Somaliland : tiradda laga Helay Coronavirus oo Gaadhay Shan Qof

0
472

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Cumar Cabdilaahi ayaa Sheegay in badhitaano lagu Sameeyey labataan qof oo looga shakiyey Fayraska Corona laga helay Saddex ka mid ah .

 

Wasiirka ayaa sheegay in Saddexda qof ee laga helay laba ka mid ah ay ku nool yihiin Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland halka qofka Saddexaadna uu ku sugan yahay Magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal.

Saddexdan qof ee laga helay Fayraska Corona ayaa tirada guud ee Somaliland ka dhigaysa Shan qof , ma jirto cid u dhimatay ama si toos ugu ladnaatay oo ay Xaqiijiyeen guddiga ka hortaga iyo Xakamaynta Fayraska Coronaha .

Leave a Reply