Guddida COVID19 ee Maroodi-jeex oo Go’aamo Soo Saaray

0
500

Guddida wacyigalinta Coved-19 ee gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegey in berri laga bilaabo inay xoog ku fulin doonaan amaraddan hoos ku qoran .

1. Waxa la dumin doonaa buulasha waddooyinka ku yaalla ee jaadka lagu dhex cuno.

2. Waxa la xidhi doonaa mashrashyada lagu qayilo ciddii furtana waa la xidhayaa.

3. Makhaayadaha wax laga cuno kuraasidu 3 mitir ayay isu jiraan, mulkiilayaashuna waa in ay fuliyaan. Makhaayadaha in dadku iskugu yimaaddo waa la joojinaya, haddii ay kaliftana xoog ayaa lagu kala dareerinayaa.

4. Xildhibaan kasta waxa la faray in uu bulshada degmadiisa ku sii wacyigeliyo ololahan si dadku uuga sii tabaabusheysto.

Guddida ayaa go’aamadan soo saaray ka dib shir ay maanta ku yeesheen xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha oo saldhig u ah.

Leave a Reply