Falastiin : Dad loo xidhay Wada Sheekaysi ay la Yeesheen Israel

0
811

Muran xooggan ayaa kala qeybiyey bulshada reer Falastiin, kadib markii kooxda Xamas oo maamusha magaalada Gaza ay xidhay lix qof oo lagu eedeeyey inay aaladda Zoom ee muuqaalka ah ay wadasheekeysi kula yeesheen dad ku sugan Israel.

Xamas ayaa horey u mamnuucday in wax xidhiidh ah lala yeesho Israel, waxaana ay toddobaadkii tegay xidhay lix qof oo ka tirsan Guddiga Dhallinyarada Gaza, kuwaas oo lagu soo oogay dacwad “qiyaameyn qaran” ah iyo “caadiyeynta” xidhiidhka Israel.

 

Rami Aman oo 36 jir ah, islamarkaana aas-aasay Guddiga Dhallinyrada Gaza iyo 5 qof oo kale oo ka mid ah ururkaas ayaa wada-shaakeysi Zoom oo qaatay 2 saac la yeeshay dad ku sugan Israel, ayaga oo ka wada hadlay rajada ay ka qabaan hoggaan u wanaagsan labada dhinac mustaqbalka.

Murankan ayaa waxaa xudun u ah gabadh horey ula shaqeyn jirtay hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty oo lagu magacaabo Hind Khoudary, taasi oo barteeda facebook ku cambaareysay Aman, kuna eedeysay inuu xidhiidh la yeeshay Israel.

 

Khoudary ayaa qoraalkeeda facebook ku tag gareysay saraakiisha Xamas, si ay dareenkooda ugu soo jeediso wada-sheekeysiga Aman uu la yeeshay Israa’iiliyiinta.

Si kastaba wasaaradda arrimaha gudaha Gaza ayaa beenisay in qoraalka Khoudary uu kusoo jeediyey Aman, waxayna sheegtay inay horey isha ugu haysay ururka Aman uu hoggaamiyo.

Baraha bulshada reer Falastiin ayaa waxaa aad u qabsaday dhacdadan, iyada oo dadka qaar ay dhalleeceeyeen xadhiga lixda qof, halka qaarna ay ugu hambalyeeyeen Khoudary inay kasoo horjeesatay in la caadiyeeyo xidhiidhka Israel.

Khoudary ayaa dhanka kale dhalleeceyn xooggan kala kulantay saraakiil sare oo ay ku jiraan kuwa la shaqeeya kooxaha xuquuqda aadanaha QM, iyada oo lagu eedeeyey inay “ceebeysay” nafteeda.

AFP

 

Leave a Reply