“Tirada basaska lagu raaco waanu dhiney qiimahana waxba kamaanaan baddelin”Iskaashatadda Basaska Hargeysa

0
781

Hargeysa (Dawan) Kulan maanta dhex maray guddida ka hortaga Covid-19 ee gobolka Maroodijeex iyo iskaashatada basaska caasimada Hargeysa, ayaa layskula meel dhigay in aan la kordhin qiimaha lagu raaco basaska iyada oo la dhimayo tirada rakaabka raaca.

“Sida lagu taliyey oo ah shan iyo tobanka qof ee gaadiidka loo qorsheeyay in aanu qaadano, inaga oo dadkeeni u daneynayna maanta waxaa aanu go’aansaney anaga iyo guddidi fulintu in aanan bisha waxba lagu kordhinin maada wakhtigu adag yahay, waxaanu go’aansanay in gaadiidka aan waxba lagu kordhin ee rakaabka sidaasi lagu qaado”Ayuu yidhi mid ka mida guddida iskaashatada basasku.

Dhankiisa duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa sheegay in aan wax kharasha lagu kordhin karin rakaabka raaca basaska, cidii u hogaansimi weydana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan “In go’aankii guddidu soo saartay aanu fulino oo noqoneysa basaska waa weyn iyo kuwa yar yar oo noqoneysa in aan lacagna lagu darin sidiina lagu shaqeeyo, iskaashatadu waxaa ay ka masuul tahay, inay iyaguna soo sheegaan dawlada hoose bileyska gobolka dhammaan  hay’add kasta oo nabad geliyana waxaa ay ka shaqeyn doonta in la ganaaxo cidii go’aanka ag marta”

khadarhoryaal@gmail.com

 

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka basaska u kala goosha caasimada Hargeysa/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka magaalada Hargeysa, ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply