”Ma Jiraan Dad Baxsaday Oo Qaba Xanuunka Covid-19” Dr Xergeeye

0
667

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in xaaladda xanuunka Corona ee Somaliland ay sideedii hore tahay isla markaana aanay jirin wax soo kordhay khatar ah.

 

Agaasimaha oo warbaahinta dalka la wadaagay xogta maalin laha ah ee wasaaradda horumarinta caafimaadku kaga hadasho xanuunka Covid-19 ayaa sheegay in aanay jirin dad qaba Xanuuunka Covid-19 oo baxsaday.

 

Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxa uu xussay in baadhitaano ay ku sameeyeen kun iyo lix boqol oo qof kuwaasi oo laga hubiyey Fayraska Coronaha “ kiisaska laga hubiyey Xanuunku waa kun , lix boqol iyo kow qof  , ma jirto wax calaamado ah oo lagu arkay , waxa jira dad kale oo aanu ka qaadnay shaybaadho  oo mar kale aanu diraynaa annaga oo wixii kasoo baxa la wadaagi doona Bulshada “ ayuu yidhi

 

Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in labadii qof ee hore ay xanuunka ka bogsadeen islamarkaana saddexda kiis ee cusub aanay jirin wax calaamada ah ama xanuuna oo ay dareemayaan.

 

Hadalka wasiirka ayaa yimi xilli bulshada la gaadhsiiyey warar been abuur ah oo lagu sheegay inay baxsadeen laba ka mid ah saddexdii qof ee laga helay Xanuunka .

Leave a Reply