Dad ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacda Qaahira

0
468

Sarkaal boolis ah iyo toddoba la tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin ayaa salaasadii lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ay heshay xogta weerar la rabay in lagu qaado Kirishtanka Kaniisadda Coptic, sida ay wasaaradda sheegtay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in saddex boolis oo kale lagu dhaawacay iska hor-imaadka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in akhbaarta ay heshay ay muujineysay in koox Takfiiri ah oo ku sugan bariga magaalada Qaahira ay qorsheyneysay howl-gal argagixiso oo lagu beegsanayo Kirishtanka Coptic, inta lagu guda jiro toddobaadka ay u dabaal-degaan ciidda Easter Sunday.

Kirishtanka Kaniisadda Coptic, oo ah 10% shacabka Masar ee 100-ka milyan ah, ayaa ah bulshada Kirishtanka ee ugu badan Bariga Dhexe. Waxay maalinta Easter Sunday u dabaal-degaan 19-ka April.

Masar ayaa ereyga Takfiiri u adegesata inay ku qeexdo Mintidiinta Islaamiga ah ee dalkaas.

Hub iyo rasaas ayaa laga helay goobta uu iska hor-imaadka ka dhacay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dacwad-oogaha Masar ayaa sheegay in koox baadhayaal ah loo diray goobta uu iska horimaadka ka dhacay oo ku taalla degmada Al-Amiriya ee magaalada caasimadda ah.

REUTERS

Leave a Reply