Gaadiidka Goboladu maxay ka bedelleen nidaamkii Rakaabka, kaddib go’aankii COVID19?

0
427

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland Cumar C/laahi Aadan ayaa maata shir kula yeeshay Xarunta Wasaaradda Guddiga Iskaashatadda Basaska Horseed ee u kalabaxa Gobooladda Dalka, kulankan ayaa daarnaa sidii loo fulin lahaa amarkii  Guddiga ka hortaga Xanuunka COVID 19 ka ee ahaa in la dhimo 50% rakaabka ay halkii mar qaadijireen si looga hor tago faafitaanka Cudurkaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka  Cumar Zayid oo ugu horayn kulankan ka hadlay ayaa sheegay in ay shirikadaha isla qaateen in ay fuliyaan amarkaasi, waxaanu yidhi:- “waxaanu halkan dawladda Soomaaland iyo shacbiga uga balanqaadaynaa in Wasaaradda Gaadiidka iyo Haromarinta Jidadka iyo Shirkdaha Rakabka u kala qaada goboladuba ay isku waafaqeen in la dhaqangaliyo Go’aamada Dawladda Soomaaliland soo saartay.”

Guddoomiyaha Guddiga Iskaashatada Horseed Maxamed Cali Cismaan  oo isna halkaasi ka balan qaaday fulinta amarkaasi ayaa isna waxa uu yidhi:- “ka Shirikado ahaan anaguna waxaanu diyaar u nahay in aanu fulino qodobkaas oo dhigayey in 50% rakaabkii ay gaadiidku qaadayeen ee u kalasafraayey Goboladda oo tusaale ahaan hadii gaadhigu 30 qof ahaa uu 15 noqdo, kii 15 ahaana uu noqdo 7 qof runtii qodobkaas in aanu sidiisa u fulino ayaanu isla garanay Wasaaradda, qiimihiina in dib loo eego ayuu u baahan yahay oo tusaale ahaan Burcoo kale 6 doolar uu ahaa 9 doolar noqon doono Booramoo kale hadii marrkii hare uu ahaa 5 doolar uu noqon doono 7 doolar Garoowe oo kale hadii uu ahaa 25 doolar oo noqondoono 30 doolar”.

Xubin ka mida Guddigaasi Cabdiwahaab Cige Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi:- “waxa la soo gooyay in gaadhigu intii uu qaadijirey haafkeed uu qaado, sida darteed anaguna dee waxa ay ahayad in aanu haafkeeda kale ku darno qiimo ahaan si ay gaadiidkii iyo nolashii oo dhami u badbaado, wakhtigu waa wakhti yar waa bilo ama bil markaa waxaan dadweynaheena faraynaa ama aanu ka codsanaynaa macmiishayada in ay dulqaataan oo ay nala gartan in y duruuftaasi inta ilaahay inaga dulqaadayo ay u samraan.”

Leave a Reply