Hargaysa: Xinif Oo Ku Baaqay In La Caawiyo Barokaceyaasha iyo Qoxoontiga

0
411

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland ayaa sheegay in ay dhawaan dadka barokaceyaasha ah iyo qoxoontiga dalka ku sugan u qaybin doonaan biyo iyo agabka nadaafadda.

C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa tilmaamay in dadka ay hay’adoodu masuul ka tahay dadka ugu nugul bulshadda, isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa waxyaabo ay kaga gaashaantaan xanuunka Covid-19.

Waxaanu sheegay in todobaadkan 124 Booyadood oo biyo ah gaadhsiin doonaan barokaceyaal ku jira sagaal xero, oo ku kala yaalla goboladda Sanaag, Togdheer iyo Saraar.

Geesta kale guddoomiye Xinif, ayaa u mahad naqay hay’adda Boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga oo raashin fara badan ku soo caawisay Somaliland, kaasoo ay hay’adda ka hor taga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranku u qaybisay qoysaska danyarta ah.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply