Wasaaradda Diinta Iyo Aw-qaafta oo War Cusub ka soo saartay Arrinta Masaajiddada

0
1455

Hargeysa(Dawan)- Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay sidii la isku waafajin lahaa cibaabadda masaajidadda iyo xannuunka Coronavirus.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafeed uu galabta soo saaray wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxaanu u dhignaa sidan:-

Iyada oo laga duulayo, xaaladda caafimaad iyo faafidda fiyraska COVID-19, iyo sida uu u saameeyay guud ahaan caalamka, ayaa guddida heer Qaran ee u diyaargarowga iyo ka hor tagga xanuunka COVID-19, waxa ay soo saareen go’aammo iyo amarro khuseeya arrintan.

Qodobada go’aamadaasi oo  soo baxay 13-April-2020,  waxaa ka mid ahaa qodobka koowaad oo dhignaa ; “ ‘Guddidu markey daristay qodobka 6-aad ee talo soo jeedinta ah ee culimadu ay soo saareen 4-tii Appril, kuna aaddanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan ‘’ In shareecadeenna suubban ay u bannaysay umadda in jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo lana xaqiijiyo daruuro adag sida; xanuunannada faafa IWM, Iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aaddan xanuunka COVID-19, Waxa ay guddidu bulshada Somaliland faraysaa in muddo 4-todobaad ah ay masaajidada ka maqnaadaan taas oo ka billaabmaysa 15-April-2020, ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda cudurka, waxaa mu’addiniinta masaajidda la farayaa in ay eedaanka salaadda ku daraan guryihiina ku tukada(Salluu fii rixaalikum).’

Go’aankaasi ka dib, waxaa soo baxaya warar iyo dareen kala duwan oo ku aaddan fahanka qodobkaasi. Waxaa jira culimo Aw-diin ka dareen celiyay arrintaasi.

 

Haddaba, Waxa aannu rabnaa in aan  dadweynaha reer Somaliland la wadaago qodobbadan soo socda:-

1-         In go’aankaasi ahaa mid ka soo baxay guddida heer Qaran ee ka hor- tagga COVID-19, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna guddidaasi ay xubin ka tahay.

2-   In qodobkaasi 1-aad ee guddidu soo saartay, marnaba aan lagu xusin masaajiddada ha la xidho, laakiin dad weynaha lagu wargeliyay in ay guryahooda ku tukadaan, si looga badbaado faafidda cudurkaasi, Diinteenna suubbanna ay bannaysay sida ay Culimadu ku taliyeen.

3.Waxa ay Wasaaraddu aamminsantahay sida Dhakhaatiirtuba caddeeyeen, in ay halis caafimaad tahay isu-imaanshiyaha bulsho ee ay Masaajiddada isugu imanayaan, maaddaama la caddeeyey in xanuunkani ka hortag mooyaane aanu lahayn  ka daba tag, si xawli ahna u faafayo. Waxa aynu ognahay siduu uu u dhibaateeyey una aafeeyey xanuunkani dalalkii dadkoodu ka baaqsadeen in ay maqlaan talooyinka caafimaad ee la siiyey.

4-Waxa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa Culimada in aanay ku deg-deg degin in ay bulshada la wadaagaan warar aan la hubin.

5- Wasaaraddu, waxay u mahad-celinaysaa guud ahaan Culimada dalka, sida ay mar kasta ula garab taagan yihiin wacyigelinta xannuunkan.

ALLAA MAHAD LEH

Leave a Reply