Xukuumadda oo Ku Hawlan Qorshe Lagu Taagerayo Dadka Danyarta ah

0
1059

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in xukuumaddu ay waddo qorshe wax loogu qabanaayo dadka danyarta ah ee aan haysan meel ay u hoydaan xilli uu dunida kusii fidaayo cudurka Covid-19.

Hinda Jaamac, waxa kale oo ay sheegtay in ay wadaan tirokoob iyo xog ururin ay ku samaynayaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu ogaanayo dadka danyarta ah ee jilicsan, una baahan daryeel iyo in xukuumaddu gacan qabto.

Sidoo kale, qorshahan ay ku dhawaaqaday Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada Somaliland, waxaa qayb ka ah carruurta darbi-jiifka ah, dadka dhimirka ka xanuunanaya iyo dadka dawarsada ee fadhiya waddooyinka iyo shaaracyada magaalada, kuwaaasi oo lagu xarayn doono goobo ay wasaaraddu u qorshaysay muddada uu jiro xanuunka Covid19 ee dunida halakeeyay.

Wasiir Hinda oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaanu qoraal la wadaagnay ha’yaddaha ay khusayso in aanu xarayno oo ururino dadka danyrat ah, sida caruurta, dadka dhimirka ka xanuunsan, dadka dawarsada ee fadhiya wadooyinka, kuwaasi oo aanu u diyaarin doono goobihii aanu ku hayn lahayn, waxaanuna ka dalbanay Hay’addaha in ay nagala qayb qaatan muddada uu jiro xanuunka Covid19 Alle haynga hayee.”

Marwo Hinda waxa ay sheegtay in ay u bandhigeen guddida heer qaran ee Covid19, qaabka Xukuumad ahaan iyo ganacsato ba la isaga kaashan karo dhibaatada soo wajihi karta bulshada xoogsatada ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay maalinlaha, waxaanay tidhi “Guddiga heer qaran ee ka hortagga Covid-19, waxa aanu la wadaagnay in bulshada Somaliland ay ku nool yihiin quutul daruuriga ay maalintii shaqaystaan oo haddii ay waayan shaqadii maalinlaha ahayd noloshoodu khatar gelayso, sidaa darteed Xukuumad ahaan iyo ganacsato ahaan laga yeesho xaalad degdega oo arrinta lagu wajahayo.”

“Waxaanu tiro-koob ka wadnay xaafadaha ay ka kooban tahay caasimadu, iyada oo hawshaasiu laga bilaabayo Hargeysa, taas oo aanu uga danleenahay in lagu ogaado sida loo kala jilicsanyahay, isla markaana dadka gacan laga siiyo xukuumad ahaan iyo shacab ahaan ba,” ayay tidhi Wasiir Hinda, waxaanay intaasi raacisay “Waxaanu u sheegnay in ay fasax galiyaan shaqaalaha dheeriga ah ee looga maarmi karo goobta shaqada, shaqaalaha xaalado caafimaad ku sugan iyo shaqaalaha ka weyn da’da 60 jirka iyagoo aanay waxba iska bedelayn xuquuqdoodii. Shaqaalaha kuwooda aan qaadan fasax sanadeedkoodii waxa ay qaadan karaan wakhti xaadirkan fasaxyadooda.”

Wasiirka oo aanu waydinay in ay ku daba-galeen shirkadaha iyo ha’yaddaha awaamirta ay siiyeen ayaa sheegtay in ay si fiican u fuliyeen qaybo ka mida sida in shaqaaluhu ay isku jiraan illaa laba ama hal mitir, balse waxa ay hoosta ka xariiqday in ay si weyn ugu daba galayaan in shaqaalaha la fasaxay ay heleen xuquuqda aas aasiga ah.

Ugu danbayn wasiir Hinda waxa ay shacabka ugu baaqday in ay u hoggaansamaan amarada guddiga iyo bahda caafimaadka, si looga hortago faafinta cudurka Covid19 .

Leave a Reply