Somaliland oo ku Dhawaaqday inay Joojisay Isticmaalka Adeegii Boosaha

0
555

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolojiyada Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi  Suufi ayaa sheegay in la joojiyay adeegii boosta ee bulshada iyo kii dowladaba si looga hortago xannuunka dunida saameynta ku yeeshay.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in ay wadaan qorshe Emailada dawlada lagaga dhigayo kuwa rasmiya oo macaga dawladuna qayb ka yahay.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolojiyada Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi  Suufi  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Adeegii boosaha waanu joojinay inta uu soo kordhay xannuunkani Covid-19 iyada oo waxyaabaha lagu kala qaado ay ka mid tahay waraaqaha leysu gudbinayo, marka anagga oo fulineyna go’aamada ay soo saareen guddida heer Qaran, laakiin dadaaladii kale ee aanu ku hormarineynay kuwa dibadaha ee aanu la xidhiidhnay waa ay socdaan, waxaa aanu joojiney uun adeeg fidintii marka INSHA ALLAH marka ILLAAHEY xannuunkani inaga dul qaado halkeeda ayaanu ku soo celin doonaa”

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in ay wadaan qorshe Emailada dawlada lagaga dhigayo kuwa rasmiya oo macaga dawladuna qayb ka yahay.“Waxaa aanu hirgelin doona muddo dhaw in  dhammaan Emailadda dawladu noqdaan kuwo rasmiya oo magaca dawladdu qayb ka tahay, si hadhaw marka masuulku shaqada ka tago xogtii loogala wareego, islamarkaana marka hadhaw  cid kale la xidhiidhan u noqdaan kuwo la og yahay, ILLAAHEY-ba mahad iska leh ka wasaaradd ahaana waxaa ay noo tahay sharaf iyo maamuus islamarkaana aanu hawshaasi hirgelino”

Leave a Reply