Urrurka Sodfa oo Isu-taagay ka Wacyigelin Bulshadda Xannuunka Covid-19

0
1143

Hargeysa (Dawan) Duniya Maxamed Daa’uud and Dahabo Cumar Maxamed, makes waxaa ay ka mid yihiin urrurka horumarinta bulshada ee Sodfa, (Sodfa Social Skill Development Organization)

Waxaa ay magaalada Hargeysa ka sameeyaan qaylo-dhaan, waana fariimo wadayaal xannuun ku dilaya digniin hore la’aanteed Covid-19.

Waana hablo yar yar oo isu-taagay badbaada noloshada bulshaweynta Somaliland, kala fogaansho iyo faraxal joogta ah ayay dadka ku wacyigelinayaan, waxaaney dadka uga digayaan halista xanuunka safmareenka ah kumanaanka dilay.

Wacyigelinta hablahan yar yari waa mid la xidhiidha, ka hortagga Coronavirus ee keeni karta hoos udhaca iyo yaraynta kiisaska ugubka ah ee xanuunkaasi.

Urrurkan oo ujeedadiisu tahay In la sameeyo dhisme awoodeed, bulsheed oo loogu tala galay dhalinyarada iyo haweenka ku nool guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Dahabo Cumar Maxamed kana mida urrurka SODFA/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Duniya Maxamed Daa’uud kana mida urrurka SODFA/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Halkan ka Daawo

Leave a Reply