Magaalada Berbera oo Ay Ka Da’een Roobab Aad Loogu Diirsadday

0
514

Berbera, (Dawan) – Wararka ka imanaya magaala xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxiil, ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka da’een roobab ay ku qabowsadeen dadka degan gobolkaasi.

Roobabkan ayaa hadda ka da’aya, waxaanu roobkani uu imanaya jawiga magaalada Berbera oo maalmihii u dambeeyey aad u kululaa, balse dadweynuhu waxa ay ku qabowsadeen Nimcada ALLE.

Dhinaca kale roobabkan oo ka da’ay meelo badan oo Somaliland ka mid tahay ayaa aad loogu diirsaday.

Leave a Reply