Beerta Xayawaanka iyo Dalxiiska

0
829

Dalka Shiinaha dalxiisayaasha taga ayaa booqda goobaha ay ugu jecel yihiin oo ah dhinacooda mid xiisagelisa, waxaana goobtaasi ay tahay beerta lagu magacaabo “ Lahi Lido” .

Dalxiisayaasha ayaa marka beertaasi ay gaadhaan lagu xereeyaa qafas ka samaysan shebeg, waxaana dhex yaalla hilib iyo cuntooyin kale oo ay cunaana xayawaanka beerta lagu xanaaneeyo.

Marka goobtaasi lagu xereeyo dalxiisayaasha waxa la soo dayaa xayawaano kala duwan oo beerta k dhaqan sida libaaxyada iyo shebeelada, waxaana ay tagaan shebegaasi ay ku jiraan si ay raashinkooda ay uga barteen uga cunaan. Dalxiisayaasha oo aad u xiisayanayaa ayaa shebegge uga dusiya hilibka iyo raashinka kale ee  lagu quudinayo, waxaana ay ka qaataan sawiro kala duwan iyagoo shebegga koraya.

Muuqaalkan ayaa ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan dalxiisayaasha dalkaasi taga.

Leave a Reply