Somaliland: Tirada dadka laga baadhay COVID19

0
523

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in ay cudurka COVID19 ka baadhay dad ku dhow 150 Qof, in laba kun oo qofna lagu baadhay goobaha xuduudaha ah ee dalka laga soo galo, 11 kalena shaybaadhkooda loo diray dalka dibadiisa si aad loogu hubiyo xaaladooda.
Sidaasina waxa sheegay agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Sabtida maanta bixinayey warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaraddu la wadaagto dadweynaha.
Agaasime Dr. Xergeeye waxa uu sheegay in tirada Kiisaska la xaqiijiyey, ay yihiin 5 qof oo qudha, kuwaasoo uu tilmaamay in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.
“Waxaan dhawaan bilaabaynaa Kooxo u kala baxa gobolada oo soo hubiya in wax xaalado ah oo qarsooni ay gobolada jiraan, isla markaana soo baadha xaalada dhinaca shaybaadhka oo soo qaadaya tijaabooyin laga soo qaadayo gobolada dhamaantood iyo caasimada Hargeysa”ayuu yidhi Dr. Xergeeye.
Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in kooxahaasi ay dhawaan howl-geli doonaan.

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa deddaal xooggan ugu jirtay xakamaynta cudurka Corona Virus tan iyo markii uu caalamka ka dilaacay, waxaanay si joogto ah warbixin uga bixinaysa xaaladaha la xidhiidha cudurkaasi.

Leave a Reply