Tix gabay ah: Kala-carrara..W/C. Saleeban Kalshaale

0
1385

Akhristeyaal qormada Dhaqanka iyo suugaanta ee todobaadkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa tix gaaban oo uu curiyey, soo saaraha Barmaamujka Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale), taasoo ku saabsan masiibada adduunka ku fiday ee cudurka Corona Virus.

Tixdan oo la yidhaahdo KALA-CARRARA, ayaa waxa ay si kooban u hoga-tusaalaynaysaa dhibaatooyinka, caafimaad, dhaqan-dhaqaale yo cabsiyeed ee uu aduunyada ku hayo cudurkan aan wali la aqoonsan sida uu dadka ugu soo gudbay iyo asal-abuurkiisu meeshuu ka soo jeedo.
Tixdan waxa kale oo curiyuhu farriin wacyi-gelin iyo digniin ah ugu jeedinayaa bulshada Somaliland, waxaanay soo baxday 13/4/2020.

Cimrigu Nimuu la saayiray amase baadha camalkeeda
Cashadii timadaaba dunida wow cajabo joogge
Ana Labada Cayn kuma jiree waan shin curiyaaye
CImirroow tixdaan soo wadeey cugatay laabtaydu
waa mid ay ayaamahan cakiran igu cidhiidhyeen’e.

Cimilada isbedelaysiyo faqrigu waa col iyo baas’e
ha yeeshee Cadliga eebeheen Ceel kumuu dhicin’e
Cuud korodhso Nimankii lahaa ee carrada bi’iyey
Cilmi iyo kuwii sheegan jiray cududda Fiitooga
Cirka Sahanka dowlkii u diray ee casriga gaadhay
Cindigooda may gelin shar aan caallo loo helin’e.
maanta ciqaab lagaga dhigay waxay cabaysteen
oo ay calaashteen dibnaha caasiyoo dhamiye
Markii uu cuskaday caabuq aan cidi aqoonaynne.

Adigaa casiisow ogsoon caynnaduu yahaye (Covid19)
Cudur-baa adduunyada ku fiday caabuqoo darane
Cudur simay cadaan iyo madow qaaradaha caalam.
Culimo iyo cuquul iyo hogaan talada caynaansha
Carruur iyo Cirrooliyo dhamaan caydi iyo xoogba
cudur aan cidnaba dhaafahayn Taajir iyo Caydhba
oo Cashar iyo dabiib looga dhigay lagaga caynaanto
Caadadda islaamka iyo rugniga camalka Iimaanka.

Adiguu culuumtaada yahay caalimoow Ugube
Cabsida iyo cibaaradu tuskani curiyey yaabkeeda
Wali may Cabirin aadmigani cabasho mooyaan’e
oo Cilmi-baadheyaashii galbeed waaye ciriqiisa
Carab iyo dhamaan Aasiyaan caad umay hellin’e
Calcalyo iyo saabuun gacmaha lagu cajiimaayo
In guryaha camuush lagu noqdoon dibada loo Coogin
oo aan Suuqa camal loogu bixin Caymad waa sahale
Kala cararra iyo yaan la shirrin oo cidlada joogga
Iyo yaan salaantii cishqiga caasha lays-gelinin
Ayuu ka-hor-tag lagu caabiyaa caawa noo yahay.

Carradaanu naalliyo rabow cidhifka aan joogno
Caataanu nahay aan lahayn Caymis iyo xoogge
Dabeyl caafimaad iyo Raboow Ciidan naga baaja
oo aad adigu nagu caawisoon cidina noo sheegan
Ayaan caadiloow baaryoon kaa codsanaynaaye
caafiyu raxmaankoow Addaan Ciirsi kuu nahay.

Duniduna callool weeye iyo Hoy cidhiidh galay’e
Intay nololshu caarcaarmi layd cabasho weeyaane
Ciddaad iyo Allahayoow dul mari daawo cidhib goysa
Xigmaduna cidday gaar u tahay mari ciqaabteeda
Oo gaal ku caasiyey allow how cafiyin tayda
Cabdi samirku waajibay ayaan ahay Casiisoowe

Bulshadana mid baan caam u odhan cawajka moodaysa
Amarrada cul-culusee guddida loo calmaday howsha
Abidkeenba waa ceebsanaa dawlad camalkeede
cuqdadbaan ka qaadnaa waxaan caarid loo dayin’e
Corona Virus caqabaduhu dhiggee caalamka u geystay
Intuu caalim dilay, curadyo iyo Sebi carruureedyo
Ama Caa’ilado kala xayiray ee cayn ku kala waabay
Cisbitaaladii Yurub wataa Ceel wad loo rogay’e
Ameerikana Cirkuu ula baxoo tarabyo cayn gooye
Afrikana Cagtuu soo dhigoo Geeska waa cimidhe.

Tiiyooy halista caynkaa u culus inagu ceeryoonto
Oo aynaan Itaal caabiyana haysan cududdiisa
In cayaayir loo ficiltamaa waa Cawaannimo’e
Cantuuggadaba kama soo hadhniyo caasha aafadan’e
Iscashadoo iscaabiya sabool caafiyaan nahay. oo
Iscashadoo iscaabiya sabool caafiyaan nahay.
Iska jira cadaawaha dahsoon cudurkan weeyaane
Cibaadada Illaah iyo ducada, caawimana raacsha
Miskiin aad casuuntaa rabigu kugu ciseeyaaye
sadaqada Ciqaab kaga baxsada waa col magantiiye.

Waxa curiyey. Saleeban Cabdi Cali Kalshaale
Hargeysa/Somaliland
curad1986@hotmail.com

Leave a Reply