” Dagaalka Fadhi-gaab Hala Joojiyo ” Madaxweyne Biixi

0
515

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay laba beelood oo ku dagaalamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag in ay si degdega u joojiya colaada .

 

Madaxweyne Biixi oo maanta ka hadlaayey xaaladda dalka ayaa sheegay in colaad gobolka Sanaag , dhinac dowladnimo , diin iyo dadniba lagu xaliyey colaada gobolka Sanaag balse ay noqoto mid soo noqnoqtay , waxaanu ugu baaqay in ay ka wantooban dhiigga ay daadinayaa isaga oo sheegay in aan la taagnayn xilligii lays layn lahaa balse la joogo xilligii cuduud iyo dhaqaale layskugu gayn lahaa xanuunka dunida kusii fidaaya ee COVID-19 .

 

Madaxweyne Biixi ugu danbayn waxa uu sheegay in ciidanku ay kala dhexgalayaan labad beelood ee ku dagaalamaya deegaanka Fadhi-gaab si looga hortago dhiig danbe oo daata .

 

Halkan ka daawo Muqaalka oo dhammaystiran

Leave a Reply