Ganacsatada Suuqa Waaheen oo la Yimid Hab Fudud oo ay ku Ku Baran Karaan Cumuumta Diinta + Sawiro

0
2131

Hargeysa (Dawan) Ganacsatada suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa bilaabay hab fudud oo ay ku barankaraan culuumta Diinta iyaga oo hawlahooda shaqo iska wata.

Akhriste warbixintan kaga hadli mayno waxyaabaha suuqani lagu kala iibsado, balse waxaa aan idinla wadaagi doona arrin cajiiba oo ka duwan waxyaabihii aynu hore uga warami jirnay.

Aadan Dubed Cismaan kana mida ganacsatada suuqa Waaheen ee ka faa’ideysta culuumta joogta ah ee madarasadani ka baxda ayaa sheegay in ay najaxday oo ay guuleysatay, islamarkaana ay wada gaadhay badi dadka suuqani u soo shaqo taga.

Madarasadan oo magaceeda la yidhaaho Madarasatul Duruusul Shaaric oo macnaheedu yahay duruustii diiniga aheyd ee loo soo raray suuqa ayaa waxaa si maalin ah ay bulshadaasi uga barata, shan qaybood oo kala ah barashada Quraanka Kariimka ah, baraashada Tafsiirka Quraanka, muxaadaro toosa, iyo mid dhageysiya, waxaana ku xidhan dad badan oo kala socda cod-baahiyayaal lagu xidhay suuqa si toosa wax uga faa’ideysta xiliyadda kala duwan ee duruustani socoto, oo ay bixiyaan macalimiin si iskooda iyagu isu-soo-xilqaama.

Bulshada suuqani wax ku iibisa ayaa sheegtay in qorshahoodu yahay iyaga oo goobahooda shaqo jooga in ay noqdaan Musheekh dadka mustaqbalka diinta bara.
Habkan ayaa ah fikir noociiisu ku cuusb yahay goobaha ganacsi ee kale, waxaanay xuseen in ay doonayaan in ay gaadhsiiyaan suuqyada kale ee dalka oo dhan mustaqbalka.

Aadan Dubed Cismaan kana mida ganacstada suuqa Waaheen ayaa faahfaahin ka bixiyay barnaamijkan iyo sidii uu ku bilaabmay iyo sida looga faa’ideystay “Barnaamijkani waa barnaamij diiniya, waa mid kheyriya dhawr weji ayuu leeyahay, hada fikirkan mid diiniya ayaynu ka warameyna, culimo ka mida ganacsatada suuqani ayaa ILLAAHEY ku Ilhaamiyay 18/1/2020-ka, halkan waxaa ka furan madarasad la magac baxday ‘Madarasatul Duruusul Shaaric’, waxaana looga jeeda duruustii diiniga aheyd oo loo soo raray suuqi lagu ganacsanayay, oo goobihi shaqada la keenay, oo qofkii isaga meheradiisi jooga uu barto culuumtii diinta Islaamka, halkan maanta waxaa na looga marinayay kitaab axaadiisa waxaana suuqa intiisa badan ku xidhan cod baahiyayaal intii ay gaadhana waa ay ka faa’ideystaan, meel fiicana waanu mareyna, maalintii la bilaabayay iyo maanta faraq weyn ayaa noo dhaxeeya, waxaanu ILLAAHEY ka rajeynayna in shaqadayada dhexdeeda iyo suuqa culimo ku dhex noqono”

Aadan isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi raaciyey in madarasadani ay balaadhatay oo hada ay mareyso shan qaybood oo kala gadisan “Waxaanu rajeynaya in dadka kale ee suuqyada wax ku iibiyaana ay nagaga daydaan, awal masaajidada uunba loogu tagi jiray ee masaajidada uun kuma xidhnee aynu meheradaha dhexdooda iyo suuqa aynu wax ku barano, madarasadani hada waa ay balaadhatay oo waxa ay mareysa shan qaybood, barashadii Quraanka Kariimka ah oo ay saddex macalin dhigaan, oo laba dumara iyo nin sheekh ahi ay dhigaan, waxaa labo ah axaadiistii oo kii maantaba inoo socday ah, waxaa saddex ah Tafsiirul Qur’aanul Kariim oo maalmaha Arbacada iyo Khamiista isaguna noo socda, waxaa fara Muxadarooyinkii oo toosa oo laba sheekh ay kala galaan, maalin walba muxaadiro khuseysa oo Qayima, haday xan noqoto, haday muran iyo buuq noqoto iwm, ka shanaadna waa Quraankii iyo muxaadarooyinkii duubna dhageysigooda oo lixda subaxnimo la bilaabo kob iyo tobanka duhurnimana la bakhtiiyo, shantaa waaxood ayay madarasadii yareyd ee suuqa laga furay maanta mareysa, inay naajaxday ayaanu qabna”

Hooyo Amran Jaamac Caalin kana mida khudradleyda suuqa Waaheen oo ah dadka ka faa’ideystay waxbarashada goobtooda shaqo la geeyay ayaa sheegtay in Jahligu sidii daanburka oo kale uga dhalaalay “Culuumta dushayada ka socota waanu ka faa’idnay waxaa la yidhi ‘Dad waa xan daaq, xoolana waa geeda daaq’, xantii ayaanu ka raysaney aanu isku yara urrureynay, oo hooyo kasta dhagteeda ayay maasha marka duruustu bilaabanto nimca ILLAAHEY ayaa noo sugan, kuwii noo soo dhaweeyay kheyr ayaanu u rajeynayna, waxa aanu ka faa’idnay waxaa jahliga la yidhaaha waa daamur, daamurkuna marka dabka la saaro waa uu dhalaala oo meesha waa uu ka khafiifa, dee waanu khafiifeyna oo maalinba in ayaa naga go’aysa daamburkii maskaxda nagaga dhagana ileyn hawlo kale ayaanu ku jirne, waxaanu ILLAAHEY uga rajeynaya nimaanka in wixii ay niyadooda ka keenen ILLAAHEY ku anfaco”

Axmed Maxamed Gaadhhaye kana mida dhalinyarada suuqa kabaha ku iibiya ayaa daboolka ka qaaday in qofkii ILLAAHEY kheyr la doonayo uu waafajiyo diinta “Casharadan suuqa lagu dhigo muddo ayaanu hada baraneynay, aad iyo aad ayaanu uga faa’ideysanay casharadan, waxaanu uga faa’ideysana culimadan kala duwan Quraanka, Tafsiirka, iyo Axaadiista, iyo Muxadarada, dadka intooda badanina waxaa ay ka faa’ideysteen casharadda maalin walba ka baxa codbaahiyayaasha lagu xidhay qaybaha kala duwan ee suuqani Waaheen ka kooban yahay, qofkana ILLAAHEY marku kheyr waafajinayo waxaa uu waafajiya diinta, si fiican ayaanu ula socona dad badan ayaa la socda, wakhtiga xiisada marka ay gaadhana qof waliba waxaa uu la soo baxa kitaabkiisa”

Madarasadan duruusul shaaric ee laga hirgaliyey suuqa Waaheen ayaa ah mid wax badan ka tartay baahidii dhanka waxbarashada diinta ee ka jirtay suuqaasi, waana arrin ku dayasho mudan.

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka macalinka xiisada muxaadaradda tooska ah mariya iyo sida ay bulshadu uga faa’ideysato/xuquuqda sawirka wargeyska Dawan
Sawirka macalinka sida maalin laha ah u bixiya xiisada muxaadarada tooska ah ee ay cod-baahiyayaasha ka bartaan bulshada suuqa Waaheen/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka macalinka sida maalin-laha ah u bixiya barashada casharka tafsiirka Quraanka Kariimka kaas oo ay ku xidhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada suuqa Waaheen/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka wiilal dhalinyaro ah oo heysta kitaabadii ay ka baranayeen axaadiista, xili ay ku guda jiraan hawl maalmeedkoodii kale ee ay suuqa u yimaadeen, iyada oo uu gaadhsiinayo mid ka mida codbaahiyaayaasha suuqa lagu xidhay /xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka macalinka sida maalin-laha ah u bara bulshada suuqa Waaheen barashada axaadiista/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Kitaabka axaadiista ee sida maalin-laha ah bulshada wax looga dhigo/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka wiil ku guda jira dhageysiga xiisada barashada axaadiista/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka wiil kale oo ku guda jira barashada axaadiista/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka wiil kale oo isna ku guda jira barashada axaadiista/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Aadan Dubad Cismaan oo isagu ah ninka meheradiisa ay hor fadhiistaan culimada dadka u faa’ideysa, islamarkaana xafida agabka lagu gudbiyo cilmigaasi/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Kh

 

Sawirka Hooyo si toosa ugu guda jirta barashada tafsiirka Quraanka Kariimka ah/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply