Somaliland: Silsillada dhismaha wadooyinka Berbera Coori-door, Ceerigaabo-Burco, Hargeysa-Oodweyne iyo Boorama-Lawyo-caddo

0
1682

“Mashruuca wadada Ceerigaabo – Burco waxa uu dhamaanayaa sanadkan 2020-ka…
” dhismaha Wadada Boorama iyo Lawyo-cado iminka waxa loo diyaar-garoobayaa…” Wasiir Cabdilaahi Abokor
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka JSL Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha Xukuumadda ee bilowga iyo dhamaystirka mashaariicda waddooyinka ee dalka ka socda, waxaanu ka waramay saddexda mashruuc ee ugu waaweyn oo kala ah Wadada Ceerigaabo iyo Burco, Wadada Berbera Coori-door iyo Laamiga Boorama iyo Lawyo-caddo oo diyaarinta dhismihiisu socdo, isla markaana uu Maal-gelinayo Baanka horumarinta Afrika.

Wasiirka oo u waramay barmaamuj laga diyaariyey mashaariicda wadooyinka ee dalka socda, ayaa sheegay in wadada Ceerigaabo-Burco dhamaanayso sanadkan 2020-ka, marka ay dhamaatana la bilaabo doono Jidka isku-xidhaya Hargeysa-Oodweyne ilaa Burco oo uu tilmaamay inuu ku jiro qorshaha labaad ee horumarinka wadooyinka.

Wasiir Abokor waxa kale oo uu tilaamay in wadada Berbera Coori-door haddii alle ka dhigo dhamaanayso sanadka 2021 badhtamihiis, wakhti ku qiyaasan bisha May, isagoo geesta kalena cudur-daar ka bixiyey caqabadaha dhinaca socodka ee ka dhashay wadada ku-meel-gaadhka ah ee loo sameeyey gaadiidka oo meelaha qaar raf ah.

Waxa uu sheegay in wajiga labaad ee Dacar-budhuq ilaa Berbera aan jebinayn wadada iminka jirta ee Laamiga ah, balse iyada uun lagu samaynayo balaadhin iyo dib-u-habayn lamida wadada cusub ee laga samaynayo Hargeysa ilaa Dacar-budhuq.

“Ninka carabka ah markii aanu waraysanay ee aanu ka dalbanay in laga shaqeeyo wadada ku-meel-gaadhka ah, wuxuu noo sheegay in uu laba Shift samaynayo , qalab badanina wuu u soo socdaa, sidaas darteed qorshihii ahaa in ay todoba shirkadood ka shaqeeyaan iyo iminka oo ay hal Shirkad ka shaqaynayso ayaa culayskaa inagu keentay, laakiinse iminka waxaan rajjeynaynaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan uga shaqayno.”ayuu yidhi isagoo faahfaahinaya sababta wadada gaadiidku isticmaalayaan ee rafka ah looga hagaajin waayey, taasoo uu xusay in muddo kooban wax lagaga qaban doono.

“Dadweynaha reer Somaliland waxaan leeyahay wax badan oo wanaagsan ayaa inoo soo socda ee dhowrkaa bilood aynu iska dulqaadano, waanan dareemaynaa culayskaa, mar walbana annaga waxa qorshahayagu yahay in waddada cusub ee laamiga ahna la sameeyo, wadada kale ee ku-meel-gaadhka ahna la sameeyo iyo in aan la jebin wadada inta hadhay oo xaga Dacar-budhuq ilaa Berbera nashqadeedu way ka duwan tahay sida loo jarayo kan Hargeysa dacar-budhuq, waxaanu qorshuhu yahay iyada in la baadhiyo, lana cusboonaysiiyo, sababtoo ah iyada beri dhaweyd ayaa dib-u-habayn lagu sameeyey
Markaa waxaan rajjeynayaa in mudaddaa sanadka ah ay inooga soo baxaan wax aynu afarta sanno iyo konton sanno isticmaalno oo ina anfaca.”ayuu raaciyey wasiirku haddalkiisa.
Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in wadada laamiga ah ee Ceerigaabo iyo Burco isku-xidhaysa la soo gebagebayn doono sanadkan gudihiisa, taasii uu ku tilmaamay;
“”Mashruuca wadada Ceerigaabo – Burco waa mashruuca ugu weyn ee ay Somaliland wado, waxaanu dhamaanayaa inshalah sanadkan 2020-ka. waxa iminka inoo dhisan 201KM, waxaana la dhisayey 374km. sanadkana waxa noo qorshaysan in dhowr iyo lixdan KM la dhiso. oo 20km ayaa naga soo hadhaya iminka sida aanu wax u wadno, laakiinse markii aanu la-tashanay Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda waxaanu go’aansanay in aanu 20km ee naga soo hadhaya sanadkan aanu u samayno qorshe labaad oo ay sanadkan 2020-ka wadadaasi inaga soo dhamaato oo markaana la bilaabo Wadada Hargeysa Oodweyne iyo Burco”.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda horumarinta Jidadka Somaliland, waxa daboolka ka qaaday in dhawaan la bilaabi doono daraasaynta wadada isku-xidhaysa Boorama iyo Lawyo-caddo oo ah mid muhiim u ah isu-socodka iyo Ganacsiga Xeebaha Galbeedka iyo guud ahaan dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in mashruucaasi maal-gelintiisa bixinayo Baanka horumarinta Afrika, dawladduna hogaaminayso, siyaasadda iyo farsamada lagu hirgelinayo.

Waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya ” Wadada Boorama iyo Lawyo-cado dhismaheeda waxa inaga caawinaya Bangiga horumarinta Afrika , iminka waxa loo diyaar-garoobayaa sidii loo samayn lahaa daraasada, shan shirkadoodbaa isugu soo hadhay diyaarinta Daraasada. dhawaan ayaa la shaacin doonaa shirkadda ku guulaysata. daraasadu waxay qaadanaysaa 9 bilood. wixii ka dambeeya waxa loo gudbayaa wajiga labaad ee dhismaha, lacagtana waxa inaga bixinaya Baanka horumarinta Afrika”.

Ugu dambeyn, wasiirku waxa uu sheegay inuu socdo qorshe dayactir iyo dib-u-habayn loogu samaynayo jidka dheer ee isku-xidha Berbera ilaa Laascaanood, khaasatan inta u dhaxaysa Berbera iyo Burco oo uu tilmaamay in wax laga qabanayo biriijyo dib-u-dhis lagu samaynayo iyo dayactir lagu samaynayo Laamiga “Wadada Burco iyo Berbera waxa iyagana laga maal-gelinayaa mashruuca horumarinta Somaliland ee SDF,ilaa dawga Sheikh”.

Leave a Reply