Maalinta Dhiraynta Qaranka Somaliland Oo Si Balaadhan Looga Xusay Dalka

0
996

Sida aynu la wada socono dhirta ayaa ah tan ay nolosha noocyadda kala gedisan ee noolaha kale ee dhulka guudkiisa ku nooli si toos ah iyo si dad-ban-ba ugu xidhan tahay. Waxaanay dhirtu muhiimad weyn u leedahay dadka iyo noolaha kale-ba.

Bini’aadamka ayaana la rumaysan yahay in uu kaalinta koowaad kaga jiro noolaha ay noloshiisu sida tooska ah ugu xidhan tahay dhirta, maadaama oo dhamaanba waxyaabaha la cuno ay dhir yihiin.

Sidoo kale-na dhirta ayaa faa’iidooyin kala duwan u leh jiritaanka nolosha dadka, sida in ay hawadda loo yaqaano oxygen oo hal-bawle u ah nolosha ay ka helaan iyo waxyaabo kale oo caafimaadka dadka la xidhiidha.

Iyadoo taas laga duulayo ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sanadkii 2018-kii dhaqan geliyay in maalinta 15-ka bisha April loo asteeyo maalinta dhiraynta qaranka Somaliland.

Wixii intaa ka danbeeyay ayaa marka la gaadho 15-ka bisha April waxaa dalka Somaliland oo dhan si weyn looga xusaa maalinta dhiraynta qaranka, iyadoo dhir kala duwan oo nooc kala gedisan leh ay wasaaradda deegaanku u qaybiso goboladda iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa dedaal badan ku bixisay sidii ay u beeri lahayd dhir aad u tiro badan oo kala duwan oo loo qaybiyo magaalooyinka iyo degmooyinka dalka.

Dhirtaasi oo isugu jirta kuwa Hadhka laga helo iyo noocyadda bilicda iyo qurxinta magaalooyinka. Iyadoo wasaaradu samaysay xarumo  badan oo lagu tarmiyo ama lagu beerro dhirtaasi.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa xus balaadhan oo todobaadkii hore loo sameeyay maalinta dhiraynta qaranka Somaliland oo magaalooyin kala duwan oo dalka ah lagu qabtay.

Munaasibadii ugu weynayd ee lagu xusayay sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegtay maalinta dhiraynta  qaranka Somaliland ee 15-ka bisha April ee todobaadkan ayaa lagu qabtay xarunta dhir-kobcinta ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee magaaladda Hargaysa.

Maalintan ayuu madaxweynaha Somaliland dhaqan geliyay sanadkii 2018-kii, ayaa u jeedadeedu ku qotontaa sidii wacyiga bulshadda Somaliland jeedin lahaa qiimaha dhirta.

Munaasibadii sanadkan oo ahayd mid kooban, xanuunka Corona Virus awgii, maadaama oo la joojiyay kulamadda iyo isku imaatinka bulshadda.

Waxaana munaasibadaasi ka qayb galay wasiirka wasaaradda deegaanka, agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee wasaaradda deegaanka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixisay muhiimadda maalinta dhiraynta qaranka, waxay sheegtay in ay sanadkan soo saareen 310 kun oo geed.

“Waxaanu sanadkan soo saarnay 310 kun oo geed. 92 kun ayaanu imika qaybinay. Intii u dhaxaysay bishii April ee sanadkii hore ilaa imika oo aan ku jirno isla bisha April, ee sanadkan 2020-ka. Insha ALLAAHU waanu ka sii badin doonaa.

Dawlad ahaan gaar ahaana wasaaradda deegaanka, waxaanu ku dedaalaynaa, in aanu dhir soo saarno. In aan wax qabano-na waanu ku dedaalaynaa”ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.

Waxa kaloo ay sheegtay wasiir Shukri, in wasaaradda deegaanku ay tahay mid la isugu imanayo khayraadkii, isla markaana ay ku hawlan tahay ilaalinta iyo ka hor taga wax kastoo dhibaato u gaysanaya deegaanka.

Waxaanay ugu baaqday bulshadda Somaliland in ay kala shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa deegaanka iyo dhirta, oo ah noloshii dadka.

Waxaanay tidhi, “Waa wasaarad balaadhan, waa wasaarad la isugu imanayo khayraadkii. Anagu waxaanu nahay ilaalin iyo daryeelid (protection and conservation).

Waxaad isaga hor imanaysaan, kii Bacda siday, kii qashinka qubayay, kii geedka jarayay, kii Moofadda lahaa, ee geedka ku dubaayay Roodhida. Cid walba waad isaga hor imanaysaan. Dad ahaana nagala shaqeeya noloshiina. Waa noloshiinii waxan aan sheegaynaa”.

Sidoo kale Axmed Ibraahim Warsame, agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo munaasibadii xuskaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradu ay aad isaga xil saartay sidii ay u soo saari lahaayeen dhir fara badan.

“Waxay wasaaradu aad iyo aad isaga xil saartay, sidii ay u soo saari lahayd dhir ay wada gaadhsiiso dhamaanba jamhuuriyadda somaliland.

Taasoo isugu jirta noocyo kala duwan, sida kuwa Hadhka, kuwii xooluhu daaqayeen, kuwii bilicda magaalooyinka” ayuu yidhi agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee wasaaradda deegaanka.

Wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa intii lagu  jiray bishan April waxay soo waday qaybinta dhir kala duwan oo loo qaybiyay goboladda iyo degmooyinka dalka iyo sidoo kale caasimadda Hargaysa.

Sida uu sheegay agaasimaha guud C/naasir Axmed Xirsi,  “15-kii maalmood ee la soo dhaafayba waxaanu wadnay qaybinta dhirta, oo aanu u kala diraynay goboladda dalka iyo degmooyinka. Waxaanan gaadhsiinay 92 kun oo geed, oo aanu ka soo saarnay xarumaha tarminta dhirta ee  ku yaala goboladda dalka” ayuu yidhi C/naasir.

Agaasimaha guud ayaa ugu baaqay bulshadda Somaliland in ay ku dedaalaan sidii loo daryeeli lahaa dhirta la siiyo. Waxaanu yidhi, “Waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaanba bulshadda Somaliland, meel kastoo ay joogaan, in qof waliba u diyaar garoobo, oo xil iska saaro sidii uu u qaadan lahaa dhirtaasi, una daryeeli lahaa.

Dhirtaasi waxaad ka helaysaan xarumaha ay wasaaradda deegaanku ku leedahay goboladda dalka. Caasimadda Hargaysa-na waxaa laga heli karaa dawladda hoose ee Hargaysa”.

Geesta kale isla maalintii 15-kii bishan April, waxay wasaaradda deegaanka Somaliland dugsiga hoose dhexe ee Gacmo Dheere, ee magaaladda Hargaysa ka fulisay ol’ole dhir beeris ah.

Waxaana dhirtaasi dugsiga Gacmo Dheere, gaadhsiiyay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi. Dhirtaasi oo tiradoodu dhamayd 50 geed, waxaa hore wasaaradda deegaanka uga soo codsaday maamulka dugsigaasi.

Maamulaha iskuulka Gacmo Dheere,  ayaa balan qaaday in daryeeli doonaan dhirtaasi ay ku caawisay wasaaradu. Waxaanu yidhi,   “Waxaanu dhirtan oo ah 35 geed oo dhirta Hadhka loo isticmaalo ah, iyo 20 geed oo noocyo kala duwan isugu jira, waxaanu ku beeri doonaa qaybaha dugsiga. Waxaanan balan qaadaynaa in aanu ilaalino, daryeelkoodda iyo bixitaanka dhirtaasi.

Dhinaca kale magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa ka mid ahayd meelihii sida weyn looga xusay maalinta dhiraynta qaranka Somaliland ee 15-ka April. Iyadoo maamulka dawlada hoose Berbera ay qaybiyeen in ka badan 600 oo geed. Dhirtaasoo loo qaybiyay xaafadaha magaaladda Berbera.

Sidoo kale isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer Yuusuf Ibraahim Mire, ayaa isla maalintii dhiraynta qaranka Somaliland ee 15-ka April waxa uu bulshadda magaaladda Burco u qaybiyay 14 kun oo geed oo isugu jiray noocyadda kala duwan ee dhirta.

Degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sidoo kale ay wasaaradda deegaanka Somaliland dhir qaybin ka samaysay maalintii dhiraynta qaranka. Waxaanay dhir gaadhaysa 750 geed, waxay u ku wareejisay dawladda hoose ee degmadda Ceel-Afweyn, bulshadu ay dhirtaasi u beertaan.

Waxaana gudaha magaaladda Ceel-Afweyn si wada jir ah dhir ugu beeray isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolkaas, maamulka dawladda hoose ee Ceel-Afweyn iyo masuuliyiin kale. Dhirtaasoo loogu tallo galay in ay ka qayb qaadato qurxinta iyo bilicda magaaladaasi.

Leave a Reply