Xukuumadda Somaliland oo Malaayin Doolar u Qoondaysay la Tacaalida COVID-19

0
791

Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah oo dhan saddex melyan oo doolar .

 

“Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.” Ayuu yidhi

 

Madaxweynuhu waxa uu Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda, waxan uu yidhi “Tujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan,”

 

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si qoto dheer oo cilmiyeysan uga hadlay arrinta qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go’aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la’aan loo joojiyo qaadka.

Leave a Reply