Dawladda Ruushka Oo Tijaabo Ku Samaynaysa Diyaaraddo Cusub Oo Ay Samaysay

0
593

Shirkadda  Aviastar-SP oo laga lee yahay wadanka Ruushka, caana ku ah in ay soo saarto ama samayso diyaaraddaha ayaa tijaabadii ugu dambaysay gelisay diyaarad weyn oo nooca xamuulka qaada ah .

Diyaaraddan oo lagu magacaabo IL-76MD90A ayaa noqonaysa diyaaraddii ugu horeysay ee ay shirkaddaha Ruushku soo saaraan sannadkan 2020 oo caalamka uu kala xidhay xanuunka Korona Fayras, waxaanay diyaaraddani kamid ah diyaaraddo dhawr ah oo mashruucooda uu hore u bixiyey madaxweyne Putin.

Qoraal ay shirkaddan Aviastar-SP  soo saartay ayay ku sheegtay in diyaaraddani ay waqtigan marayso tijaabadii ugu dambaysay, tijaabadaas kadibna ay bilaabi doonto duulimaadyo ay ka dhex samayso wadanka Ruushka, iyada oo amarka duulimaadka ay ku samaynayso ay ka qaadan doonto wasaaradda Difaaca ee Ruushka .
diyaaraddan ayaa shirkaddani tilmaantay in ay ka shaqayn doonto dlaka dhexdiisa, waxaanay qaadi doontaa qalabka kala duwan ee dawladda Ruushku ay isticmaasho, sidoo kalena waxa loo adeegsan doona arrimaha Ciidamada , iyada oo qaadi doonta qalabka waaweyn ee Ciidanka , sida lagu  sheegay qoraalkan shirkadda kasoo baxay oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Tesla oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay.

Diyaaraddan ayaa duulimaadka ugu horeeya ee tijaabada noqon doona ku tegi doonta magaaladda Ulyanovsk ee dalkaasi Ruushka , iyada ooay raaci doonaan kooxo khubarro ah oo tijaabadan qayb ka noqon doona.

Diyaaraddan IL-76MD-90A ayaa qaadi karta culays dhan 60 tan oo culays ah , iyada oo duuli karta masaafo dhan 4000 oo km, waxaana ku rakiban diyaaradan ilaa 126 Barashuud oo ay adeegsan karto markay kacayso iyo markay fadhiisanaysoba, iyada oo si fudud u dhexmari karta cimilo kasta oo jirta.

 

Leave a Reply