Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo Buufin lagu Wado

0
636

Wasiir ku xigeenka horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa furay barnaamij kor loogu qaadayo nadaafadda guud ee Cusbitaalada dalka.

Mashruucaas kor loogu qaadayo nadaafadda cusbitaalada ayaa isugu jira Buufin iyo nadiifin ayaa waxa hirgaliyay hay’adda waddaniga ah ee Havayoco.

Agaasimaha hay’adda Havayoco ayaa sheegay mashruucaas laga bilaabi doono cusbitaalka guud ee Hargeysa iyadoo ay shaqadaas qaban doonaan kooxo loo tababaray.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa dhankiisa bulshada ku booriyay inay feejignaadaan taas oo ay kamid tahay Buufinta, Nadiifinta  iyo wacyigelintu.

Wasiir ku xigeenka horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Mahdi Cismaan Buuri ayaa ugu dambayn furay mashruucaas isagoo u mahad celiyay  hay’adda waddaniga ah ee Havayoco. Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay xilligan in si midaysan loo wajaho halista xanuunka coronavirus.

Leave a Reply