Maxa kasoo Kordhay Fayraska Covid-19 ee Degaanada Somaliland?

0
638

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka covid-19 ee Somaliland aanay ku kusoo kordhay wax kiis oo Cusub .

Agaasimaga guud oo ka hadlayey warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka coronavirus iyo waxa ka soo cusboonaada Somaliland ayaa sheegay in dadka ilaa hadda wasaaraddu xaqiijisay inay yihiin lix qof kuwaas oo mid ka mida  xaaladiisa caafimaad aad u wanagsan tahay oo uu ka bugsaday Fayraska.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in afar iyo labaatankii saac ee u danbeyey xudduuda dalka laga hubiyay dad gaadhaya 1,217 qof kuwaas oo aan lagu arag wax xumad ah iyo calaamadaha xannuunka.

waxa uu Dr Xergeeye inta ku daray in la karantiimay kow iyo toban qof oo laga shakisan yahay islamarkaana aanay weli soo bixin jawaabta shaybaadhadii debadda loo diray .

Leave a Reply