Casharka Sida Noolaado

0
442

Waxa tusaale xikmad ah laga dhigay in maalin Dacawo u tegtay  Yayga oo ah xayawaanada adage e noolasha ka dabaasha dhibteeda, waxaana ay ka codsatay inuu baro sidii ay ugu noolaan lahayd noloshan dunida ee kadeedka badan ?

Yeyga ayaa ku yidhi : “ Waa hagaag, marka u horaysa  ,waa inaad ka boodo Kurtinkaasi”?  Dacawadii ayaa argatay inuu weyn yahay waxaana ay ku tidhi “ Waxaan ka baqayaa inaan jabo “.

Yayga ayaa ugu jawaabay “ ha baqan aniga ayaa ku qabanaya”.  Dacawadii ayaa ka booday iyadoo baqanaysa oo doonaysa inuu qabto laakiin uma soo dhaqaaqin.

Markii ay dirqi ku badbaaday, ayay ku tidhi “ Maxaad ii qaban weyday imaad soo dhaqaaqinbe”.

Yayga ayaa ugu jawaabay xikmadda qisada looga jeeday “ Kani waa casharkii u horeeyay ee aan kugu barayay sidaad dunidan dhibta ugu noolaan lahayd, macnihiisu waa in aanad qofna isku halayn inuu ku badbaadiyo, xataa hadhkaaga adigu kartidaada iyo awoodaada adeegso”.

Leave a Reply