Jawaabihii Imtixaanka Ee Yaabka Badnaa

0
437

Inkasta oo ardaygu jawaabaha imtixaanka wada saxay haddana waa uu dhacay imitixaanka.

Su’aalihii ayaa sidan u dhacay:   Macalinka : Maxaa sabab furiinka ?   Ardayga : Waxa sabab guurka.

Maalinka : Haddii dhulku uu wareego 30 jeer maalin keliya, maxaa dhacaya?

Ardayga: Mushaharkaaga ayaad maalin keliya ku qaadanaysaa.

Macalinka: Dagaalkee ayuu ku geeriyooday Nebiga (scw) adeerkii Xamse (rc)?

Ardayga : waxa uu ku geeriyooday dagaalkii u danbeeyay ee uu galay.

Macalinka : Sidee Ayuu u dhintay Hitler dagaalkii labaad?

Ardayga:  markii uu Malaga nafta ka qaaday ayuu dhintay.

Macalinka :” sheeg sadex iyagoo nool Janada loogu bushaareeyay”?

Ardayga : Nebi Muxumed (scw), nebi Ciise (cs) iyo Nebi Ibrahim (cs).

Macalinka : geeska Midi gee Dibigu muxuu u eeg yahay ? Ardayga : Waxa uu eeg yahay Geeska Bidix.

Macalinka ayaa siiyay derejada 0%, jawaabaha ardaygu ma khaldana laakiin haddana ma ah kuwii macalinku ka reebay. Ardayga maskaxda badan jawaabo yaab badan ayuu bixiyaa.

Leave a Reply