Cisbitaalka guud ee Badhan oo la Xidhay

0
573

Maamulka Cisbitaalka guud ee Degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay si ku meel-gaadh ah u xidhayaan Cisbitaalka Magaaladaasi.

Agaasimaha Cisbitaalka Axmed Jibriil Cali Salaad ayaa sheegay in sababta ay u xidhayaan inay tahay Cabsi laga qabo Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19, maaddaama buu yidhi aan Shaqaalaha Caafimaadka ee Cisbitaalkaa ka hawl-galaa aanay haysan Qalabka lagaga gaashaanto Coronavirus.

Agaasime Salaad wuxuu sheegay inay sidaa u yeelayaan digtooni, si loo bedbaadiyo shaqaalaha Caafimaadka iyo Dadka kaleba.

Leave a Reply