Wax ka Ogow Dalalka Dunida ugu Wanaagsan dhinaca Caafimaadka ee Fayraska COVID19

0
1097

Dalalka ugu caafimaadka wanaagsan Adduunka ayaa lagu kala ogaanayaa sida ay ula dagaallamayaan cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo guulaha ay ka gaarayaan.

Dagaalka ka dhanka ah Covid-19 wuxuu ka socdaa xarumaha caafimaadka iyo Cisbitaallada guud ahaan caalamka. Laakiin guusha laga soo hoynayo dagaalkaas waxaa door weyn ka ciyaaraya dal walba heerka uu ka gaadhsiisan yahay awoodda hannaanka caafimaadka.

Ilaa hadda waxaa jira farqi la dareemi karo oo u dhaxeeya dalalka iyo sida ay ugu kala awood badan yihiin la tacaalista fayraskan iyo booskii ay hore uga jireen liiska waddamada ugu caafimaadka wanaagsan.

Warbixintani waxay diiradda saaraysaa liiskii ugu dambeeyay ee lasoo saaray sanadkii 2019-kii, kaasoo lagu qeexayay heerka adeegyada caafimaad ee 167 waddan.

Japan

Japan wuxuu kaalinta labaad kaga jiraa liiska dalalka ugu caafimaadka wanaagsan ee lagu dhawaaqay sanadkii la soo dhaafay. Laakiin waddankan ayaa caalamka oo dhan looga ammaanay sida uu guul weyn uga gaadhay maareynta cudurka Covid-19, inkastoo sare u kac cusub oo kiisaska xanuunkan ah ay dalka dib ugu celiyeen heerkii qeyladhaaminta.

Mowjadda coronavirus ee ku soo labakacleysay Japan ayaa horseedday in Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe uu 7-dii bishan April waddanka galiyo xaalad deg deg ah. Balse iyadoo ay taasi jirto, dalkan wali ma aanu ku dhawaaqin xayiraadda dhaqdhaqaaqyada, tanina waxay caddeyneysaa in awoodda adeegyada caafimaad ee Japan ay tahay mid aad u weyn. Fayraska ayaa lagu xakameeyaa marxaladaha ugu horreeya.

Xitaa haddii dadka shacabka ah ayna heli karin adeegyada baadhitaanka cudurka (oo ah kuwo loo sameeyo dadka ay calaamadaha ka muuqdaan oo kaliya) waxay tagi karaan xarumaha caafimaad ee deegaannadooda ku yaalla, halkaasoo baadhitaanno casri ah loogu sameeyo.

“Qof bukaan ah oo ayna wax calaanado ah ka muuqanin ayaa baadhitaan buuxa oo raajo ka mid tahay la marsiiyaa, waxaana laga daweeyaa xanuunnada ka dhasha cimilada qabow”, ayuu yidhi Dr Mika Washio, oo ah dhakhtar uu fadhigiisu yahay magaalada Tokyo.

Kuuriyada Koonfureed

Dalka Kuuriyada Koonfureed oo kaalinta afaraad kaga jira liiska waddamada ugu caafimaadka fiican caalamka wuxuu si gaar ah ugu diyaarsanaa inuu waajaho la dagaallanka Covid-19. Waddankan ayaa khibrad hore heystay maadaama uu la tacaalay cudurkii 2015-kii ka dillaacay Bariga Dhexe ee neef-qabatinka lahaa, kaasoo lagu magacaabay (Mers).

Xarumaha adeegga caafimaad bixiya iyo Cisbitaallada waaweyn ayaa goor horeba u sii qalabeysnaa, tababarna u heystay inay maareeyaan xaalad kasta oo noocaas ah.

Waddankan ayaa awood u yeeshay inuu maalin kasta baadhitaan ku sameeyo dad gaadhaya 450,000 oo qof, tiradaasna waxay xoogaa ka yartahay 1% ka mid ah tirada shacabkiisa guud oo ah 51 milyan.

Tirada dadka cusub ee uu maalmihii ugu dambeeyay cudurka kula dhacayay dalkaas waxay u dhaxeeyeen 47 ilaa 53 ruux.

Isreal

Marka la eegayo habkii loola socday ama looga falcelinayay cudurka Covid-19 ee markii ugu horreysay ka dilaaccay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, dalal aad u kooban ayaa ka horreeyay ama ka dadaal badnaa Israa’iil, taasoo micnaheedu yahay in Israa’iil ay si weyn ugu toog heysay saameynta uga imaan karta fayraskaas faafayay.

Israa’iil waxay kaalinta 11-aad kaga jirtaa dalalka ugu sarreeya dhinaca adeegyada caafimaadka ee adduunka. Markii la soo gaaray dabayaaqadii bishii January ee sanadkan 2020-ka, wasiirka caafimaadka ee Israa’iil wuxuu horayba u sii saxeexay isbaddal lagu balladhinayay awoodda adeegyada caafimaad ee loogu talagalay dadweynaha, kaasoo looga dan lahaa in tabar dheeraad ah loo helo la dagaallanka fayraskaas dillaacay.

Waxaa durbadiiba la qaaday tallaabooyin kale oo ay ku jiraan in la joojiyay duullimaadyada aan muhiimka ahayn ee dibadda iyo in 14 maalmood la karantiilo muwaadiniinta kasoo laabadatay meelaha uu cudurka saameynta weyn ku yeeshay.

Jarmalka

Jarmalka oo tirada dhimashada coronavirus aad uga yaraa inta badan dalalka reer Yurub ee dariska la ah, wuxuu kaalinta 12-aad kaga jiraa waddamada ugu caafimaadka fiican caalamka.

Waxaa dalkan lagu tilmaamay mid guul weyn ka gaadhay cudurka, wuxuuna tusaale u noqday guud ahaan caalamka. Laakiin khubaradu waxay ka digayaan in waddankan aanu  weli si buuxda uga nabad qabin dhibaatada cudurka.

Hase ahaatee baadhitaanka baaxadda leh ee ay waaxda caafimaadka ee Jarmalka awoodda u yeelatay ayaa horseeday guusha lagu naalloonayo.

Tallaabooyinka uu Jarmalka ku hor istaagay faafitaanka cudurkan waxaa ka mid ah in dadka xanuunsan iyo kuwa ay calaamadaha ka muuqdaan aad looga fogeeyay bulshada caafimaadka qabta.

Australia

Australia, oo kaalinta 18-aad kaga jirta dalalka ugu caafimaadka fiican ee lagu noolaado, waxay hadda si wacan u maareysay la dagaallanka coronavirus, waxaana u suurtagashay in kiisaska cusub lagu koobo wax ka yar 5%.

“Taasina waxay ahayd mid aad uga fiican sida la filayay”, sida uu qabo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Scott Morrison oo khudbad jeediyay 7-dii bishan April.

Australia waxaa sidoo kale ku yaraa isu gudbinta cudurka ee dadka dhexdiisa ah, dowladduna waxay qaadday tallaabooyin si weyn loogula soconayay fiditaanka cudurka.

Waxaa si dhow loola socday dadka dibadda kasoo laabtay, oo la hubinayay inay karantiil galeen. Sidoo kale waxaa dadka cudurka qaba aad looga ilaalinayay inay xiriir la sameeyaan dad fiyow.

 

Leave a Reply