Sool: Badhasaabka Oo Shir La Qaatay Wefti Ka Socday Guddiga Heer Qaran Ee Covid-19

0
609

Laascaanood (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaamaanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno dhakhaatiir ah oo ka socday guddiga heer qaran ee  ka hor taga caabuqa Corona Virus.

Xubnahaasi oo isugu jiray dhakhaatiir iyo masuuliyiin ka tirsan guddiga heer qaran ee  ka hor taga Covid-19.

Sidoo kale waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa xubnaha guddiga ka diyaar garowga Covid-19 ee gobolka Sool.

U jeedadda socdaalka guddigan ka socday heer qaran ee  ka diyaar garowga Corna Virus, ayaa la xidhiidha sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen hawlaha u diyaar garowga gobolka Sool  ee caabuqaasi.

Kulankaasi oo muddo saacado ah qaatay oo uu shir-guddoominayay badhasaabka gobolka Sool, ayaa lagu falan qeeyay xaaladaha gobolka Sool   ee  ka diyaar garoowga xanuunka aduunka sida weyn ugu faafay ee Corona Virus.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo kulankaasi kadib faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shirkaasi ay kaga wadahadleen weftiga u yimid ayaa sheegay in xubnahani ay qiimaynayaan sida hawlaha ka diyaar garowga Covid-19 uga socdan gobolka Sool.

Waxa kaloo uu sheegay in ay si buuxda u fuliyeen dhamaanba awaamiirta iyo tallooyinka ay soo saareen guddiga ka horta Corona ee heer qaran.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply