Hooyada Qoys ka Kooban 11 Qof oo uu Saameyay Xidhitaanka Iskuulkii ay Wax ku Iibin jirtay + Sawiro

0
1433

“Caawa Hadii ay Ramadaan soo Gasho ma Heysano Wax aanu ku Soono” Hooyo Shamis Faarax Maxamuud

Hargeysa (Dawan) Hooyo Shamis Faarax Maxamuud hooyadda qoys ka kooban koob iyo toban qof, muddo 17-sano ku dhow ayay agabka iyo cuntada ay ardaydu u baahan yihiin iyo macmacaanka ku iibinaysay afaafka hore dugsiga Hoose Dhexe ee Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, laakiin muddo ku dhow bil hadda shaqadaas may qaban maadama ay dowladdu xidhtay iskuulada Somaliland oo dhan, si loo xakameeyo khatarta Karona Virus.

Waxay sheegtay Hooyo Shamis in ay halkan ka heli jirtay maalintii lacag ugu badnaan lacag u dhiganta $12 oo faa’iido ah taas oo wax weyn ka tari jirtay nolosha qoyska oo ku tiirsan iyada oo keliya, maadama uu odaygeedu mudooyinkii dambe xanuunsanayay.
Hooyo Shamis waxaa ay ka mid tahay qoysas badan oo ku tiirsanaa dakhliga ka soo gala ganacsiga noocaan ah, balse hadda aan haysan ila dhaqaale “Xaaskeygu waa xaas badan oo kob iyo toban ruux, wax hablaheygu dhaleen iyo wax inamadaydu dhaleen iyo intaan anigu dhalay, 11-qof anaa u dhaq-dhaqaaqa, iskuulka hortiisa ayaan ku iibinayay Nusa-saacaha ciyaalka -Saanbuuse, Saan-weyj, Nac-nac, buug iyo qalin, quraac, intaasi ayaa qowtal yoomkayagu ka soo bixi jiray, ILLAAHEY mahadii haka gaadhe macalimiinta iskuulku bilaash ayay carruurta igu dhigi jireen oo bil layma weydiineyn, bariiskeygana waan helaayay, sidaasi darteed waxaanba islahaa markii iskuulku ii furna dee laguguma dhammo, laakiin intan iskuulka la xidhay, oo imika xidhna muddo goor uu furmina ILLAAHEY og yahay, xidhitaankiisu waa uu na saameeyay dhibaato badan ayaa ila soo daristay, dhaqaalihii carruurteyda waan waayay, waxaan ka baqay in aan dadka idhaaho walaal wax i siiya oo carruurta igu soo karkariya ayaa igu adkaatay, wax allaale wax aan isla hayo maalinkan maanta ah ma jiro”

Hooyo Shamis saygeedu waxaa uu araga naafo ka yahay muddo laba sanadooda waxaa ay xustay in dhakhaatiir ay u geysay ay ku xidheen inay bixiso qadar lacageed oo dhan boqol iyo konton dollar, si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad ee dhanka indhaha, “Odeygii naga masuulka ahaa laba sanadood guriga ayuu dhex jiifa, imikadan aqalka ayuu jiifa, labada indhood ayuu caad ka fuulay dhakhaatiirta indhaha ayaan geeyay waxaa la yidhi boqol iyo konton dollar bixi waan u waayay, wuu iska jiifa isaguna carruurta ayuu ka mid yahay, imika waaba nin weyn oo shaqo hagaagsan qaban maaye kol uu Saylada tago si uu isagu xilkiisa iga dulqaado, maanta wax aan indhaha ugu jeexo ayaan abaal ku qabaa”

Waxay walaac ka muujinaysaa sida ay noloshu ugu sii adkaanayso hadii ay iskuuladu sii xidhnaadaan xaalada isbedelka nololeed ee Karoonuhu keenayna ay sii jirto iyo in ay gargaar ka dalbaneyso bulshada muslimiinta ah iyo xukuumadda talada dalka heysa “Waxaa bilaneysa bishi barakeysneyd ee Ramadaan, caawa hadii ay bilatana wax aanu ku soono maba heysano oo maba soomeyno, ILLAAHEY oo xagiisa wax naga siiya mooyaane, marka waxaan ka codsaneyna xukuumaddayada madaxdayada iyo masuuliyiintayada culimada muslimiinta inta warkaygu gaadhi doono bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed sida ay u jecel yihiin inay u soomaan ama u ciidaan ayaanu anaguna u jecelahay mase heyno ee ha noo soo naxariistaan oo kaalmo deg degga nala soo gaadhan ayaanu ka codsaneynaa”

“Halkan aan hortaaganahay halkii aan wax ugu karinayay maatidan yar yar, waxaa aynu jooga wakhtigii qadada waxba umaan karinin, quraacda uunba u saara cashadana waan u kariya, iyaguna ma fahansana in wax la waayay, wuxuunbay sugayaan in wax loo kariyo sidaasi darteed dee waxaan ka codsanaya dadweynaha muslimiinta ah, dawladeyda iyo wadaadadeena, guddida xaafada intuba in ay il naxariisa igu eegaan”Ayey tidhi Hooyo Samis Faarax Maxamuud.

Ugu danbeyn Hooyadan iyo hooyooyinka kale ee ganacsiga noocan ah ka biilin jiray qoysaskooda ayaa tabaya doorkii xukuumadda iyo hay’addaha kaleba.

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirkani waa geedkii ay Hooyo Shamis Faarax Maxamuud, ku iibin jirtay Nusa-saacaha ay nolosha qoyskeeda ku dabarto, oo ku horyaala dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirkani waa albaabka dugsiga hoose dhexe ee magaalada Hargeysa oo xidhan, kadib markii loo fasaxay xaalada Covid-19/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa oo xidhan, kadib markii loo fasaxay xaalada xannuunka Covid-19/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka goobtan ay hortaagan tahay hooyo Shamis waa meesha qoyskeedu ay wax ku karsan jirtay oo aan waxba dabka loo saarin xiligaasi oo ay salaadii duhur taagneyd/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Hooyo Shamis oo wakhtigani ka fikireysay meesha ay carruurtani uga dooni laheyd wax ay qado ka dhigtaan/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Hooyo Shamis oo ka walaacsan xaalada dhanka nolosha ee la soo daristay iyada iyo qoyskeeda/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply