Duruufaha la waajahayo Ramadaan, qorshaha xukuumadda iyo qodoba in lagu xoojiyo mudan

0
916

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda iyo Ganacsatada Somaliland, ayaa todobaadkan ku dhawaaqay qorshe kumanaan qoys oo danyar ah loogu diyaarinayo kabis nololleed oo lagu taageerayo si looga samato-bixiyo culayska dhaqaale ee ka dhashay cudurka Corona Virus ee dunida ku fiday.

Qorshahan oo dalabkiisu ka yimi guddida xukuumadda u qaabilsan xakamaynta iyo ka-hor-tagga covid19, ayaa waxa qoondadiisu tahay ilaa saddex Milyan oo dollar, waxaanay guddida oo uu madaxweyne ku-xigeenku gadhwadeen u yahay waydiisteen ganacsatada in ay kharashkaasi qayb ahaan daboollaan, xukuumadduna qaybteeda diyaarisay.

Kulanka guddida iyo Ganacsatada oo qabsoomay 20 bisha April, ayaa waxa ganacsatada looga waramay hindisaha dawladda ee la xidhiidha taakulaynta dadka baahan, waxaanu madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, halkaasi ku soo bandhigay barmaamuj muddo kooban lagu caawinayo qoysas danyar ah oo tiradoodu dhan tahay lixdan kun, kuwaasoo lagu bilaabayo wajiga koowaad.

“Waxaan doonaynaa todobaad gudihii in aan ku diwaan-gelino dadka ugu jilicsan magaalooyinka waaweyn, annagoo isticmaalayna Hay’addaha ugu dhadhow howshaasi iyo kuwa dadweynaha ee deris kalkaalka la yidhaahdo”ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida ka-hor-tagga COVID19 Cabdiraxmaan Saylici.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “waxaan isleenahay lixdankaa kun ee qoys (60 qoys), waxa ku kacaysaa kolka qiimihii qoyska la siin jiray laga qiyaaso waxay noqonaysaa konton dollar, ilaa lix iyo afartan dollar ($50-$46)…
..waxaanu noqonayaa lixdan kun oo qoys maanta raashinka la siiyaa saddex Milyan, saddexdaa milyan hal milyan iyo badh haddaanu annagu (xukuumadda) ugu talo-galnay Ganacsata waxa loo baahan yahay in aad hal milyan iyo badh qaysataan oo aad u diyaar-garowdaan wajiga koowaad ayaa loo baahan yahay”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.
Ganacsatada ayaa dhankooda aqbalay soo-jeedinta guddida madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo, waxaanay tilmaameen in ay tahay talaabo lagaga bixi karo duruufaha qalafsan ee dalka ku gedaaman.

Qorshahan xukuumadda iyo ganacsatadu isla meel-dhigeen, inkasta oo uu rejjo iyo yihdi-diilo ku abuurayo boqolaal kun oo nugul ah, xilliguna uga sii daray, haddana marka la sawirro baahida hortaalla ee culus, waxa hubaal ah in aanu cidi amma far caaraddeed wax lagu tilmaamo kaga dhacayn baaxada bulshada jilicsan ee taakulada u baahan.

Sababtuna waxa ay tahay in ay qiyaas ahaan bulshada Somaliland ee hore qaadaa-dhergaanka u ahayd ka badan tahay 60% shacabka dalka ku dhaqan, kuwaasoo ay waliba tiro badan-tahay inta heerkoodu ka hoseeyo dhaqaale ahaan helida quutal-todobaadka, halka dad door ah oo ku tiirsanaa billasha dibada looga soo diraana ay saddexdii bilood ee u dambeeyey ku jireen xaalad allow sahal ah, kaddib markii cudurkan dunida saf-mareeyey uu saameeyey dadkii dibada wax uga soo diri jiray oo laftoodu noqday wax shaqooyinkii ka istaageen iyo qaar guryaha ku xayiran.

Waxa kale oo in lagu xisaabtamo mudan, in todobaadyadii u dambeeyey masaajidada magaalada Hargeysa ay culimadu kaga hadlayeen qoysas hayntooda horeba iyadoo liidatay, ay iminkana xaaladaha soo kordhay diciifiyeen oo tahli waayey helida quutal-daruuriga, kuwaasoo ay dantu ku khasabtay in ay xogtooda soo gaadhsiiyaan goobaha ay muxsiniintu ku kulmaan, si gacan loogu fidiyo.

Sidoo kale, Hogaamiyeyaasha dalka oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo, ayaa todobaadkan kor u qaaday dareenka la xidhiidha duruufaha qalafsan ee danyarta u weheliya cabsida laga qabo cudurka Corona Virus, inkasta oo talaabooyinka lagu caawinayo masaakiinta ee la qaaday ilaa hadda uu bilow u yahay mashruuca ay hilaadiyeen guddida qaran ee ka-hortagga Covid19, kaasoo sida laga dhawaajiyey wajigiisa koowaad loo qoondeeyey lixdan kun oo qoys (60,000).

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo laga shidaal-qaadanayo hindisaha dawladdu curisay ee caawinta dadka jilicsan, sida dhaqaalaha dadka ee liicay u yahay irbad qof kastaba ku mudan oo welwel ku haysa alle ayeynu faraj khayr qaba waydiisanaynaaye iyo sida ay xaqiiqada u tahay in aanu qorshahan xukuumaddu wada gaadhi karin guud ahaan dadka liita ee wakhtigan adag taakulada u baahan, waxa haboon in dhowr qodob lagu xoojiyo barmaamujka dawladdu shaacisay ee aynu xusnay.

In sida Madaxweyne ku-xigeenku sheegay la dedejiyo bilowga barmaamujkan oo la qaybiyo mucaawimada maalmaha u horeeya ee ramadaan si ay dhuuni u helaan dadka loo qorsheeyey bisha barakaysan ee inagu soo wajahan, waxaana mudan in sidoo kale sanduuqan guddidu hogaaminayso buug-xisaabeedyo iyo Lambarro kuwa lacagta lagu dir ah looga furro xawaaladaha, Bangiyada iyo Shirkadda Isgaadhsiinta, si’ uu u noqdo sanduuq qaran oo ay cid kasta oo wax heli kartaa gacan ka geysan karto, dadka gudaha joogga iyo qurbo-joogga oo aan qudhooda culays ku yarayn, balse haddana aan laga maarmi karin.

in Shacabku kor-u-qaado iska war-haynta iyo xidhiidhinta qoys, qaraabo, ehel, deris iyo deegaanba, isla markaana ay muwaadiniintu isaga naxariis iyo gacan furnaadaan sidii hore, ruux kastaana u kuur-yeesho kuwa ka nugul ee ku xeerran.

in Masaajidada iyo goobaha kale ee gudashada acmaasha loogu kulmo deegaamada dalka oo dhan, ay bulshadu iskeed u abaabusho sanduuqyo caawimo iyo guddiyo xaafad walba u qaabilsan daryeelka dadka jilicsan, oo lagu soo hagaajiyo xogta iyo xaaladdaha dalka tabaalaysan, kuwaasoo marka ay xaqiijiyaan baahida la soo gaadhsiiyey taakulo uga fidiya sanduuqaasi.

Ugu dambeyn, bisha inagu soo wajahan ee ramadaan aynu sadaqada iyo samo-falka ka kordhino sidii hore, una naxariis badsano kuweena baahan ee hore u jilicsanaa iyo kuwa ay saameeyeen caqabadaha COVID19 .

Leave a Reply