Koox Wasiirra oo gaadhay Ceel-afweyn iyo Amar la Siiyey Ciidanka Qaranka

0
552

Wafi Balaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaraddaha Xidhiidhka Goleyaasha , Qorshaynta Qaranka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Gaashaandhiga & Cadaaladda ayaa gaadhay Degmada Ceelfweyn ee Gobolka Sanaag.

Ujeedka Weftigan ayaa ah sidii nabad loogu soo dabaali lahaa shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab, waxaana ay waftigani la kulmi doonaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka si loo dhamaystiro nabada degaankaasi.

Ciidamada kala duwan ee Qaranka ayaa amar ku qaba inay qabtaan isalmarkaana sharciga horkeenaan cidkasta oo lagu arko iyadoo hub sidata deegaankaasi.

Leave a Reply