Qodaalka Beeraha Iyo Qayb ka Qayb Ka Mida Suuganta Loo Adeegsado

0
3152

Dhinaca kale waxa jira suugaan loo adeegsado qodaalka beeraha xiliyada kala duwan ee lao qodaayo. Tusaale ahaan ninka beeraleyda ah ama beer qodahaha ahi Markuu arko in dibidii daal wareemay oo tallaabadii iyo tamartiiba soo gabaabsiyeen, ayuu tirtirsiyaa oo dhiiri galiyaa si ay u toosaan oo caajiska isaga duuliyaan:-

Taltalaabsin gabdheedlow

Tagoogooyin haldhaalow

Taftaa wiilalbaa lehe

Iska tiiri xamaanta

Haybow hadhkii weeyi

Habeen weli weeyi

Hawshii dhiman weeyi

Hor-horee socod weeyi

Hagradaa doqon weeyi

Cagta hoosta ka qaad dhehi!

 

Mar rkale ayuu ninka beeraleyda ahi yidhaa:-

Ma ku maaweeliyaayoo

Madaddaalo nin weyn iyo

Maad ma ku mariyaa!

Milaygu waa milaygii

Rag maleeganayey

Naagana mooska hurdeen!

Horreey.!

Isagoo tilmaamaya in, dadkii kale qodaalka ka hor bilaabay, isaga iyo qindigiisuna

xasaag yihiin buu yidhaahdaa:-

Labadeennani mooyee

Labadeer kale mooyee

Rag muraadkii dhamaysay!

Siduu hawsha ugu jiro ayuu quruxda iyo qaabkay dibidu u qalabaysanyiihiin la

ashqaraarayaa oo la dhacaa, markaasuu ammaan ooda ka qaadaa oo uu yidhaa:-

Sida qaalmaha geela

Oo qoryo laysugu dhaabay

Amba qoor-yar gabadheedoo

Qalab aada la saaray

Maxaa kaa qalam laynee

Qoorta kuu galiyeen?

Dhaldhalaalkiyo dhiinka

Ma dhiilaad lulateen?

Mise waa dhaladkiin

dhalanteedna lahayn?

 

Isagoo u dardaar warinaya dibida oo u sheegaya inuu daalka iyo dhibtaba la

wadaago ayuu markaana yidhaa:-

Sidii naag humbaniyoo

Hadhuudhkii ka xumaaday

Maxaad ii hadimayneed

Hoosta iiga habaari

Ma aniga hadhimeeyayoo

halkii kaaga dambeeyayoo

Hiraabtii dabadee

Hooyaday wax i siisay!

Harqoodkaad gilgilayso

Hornagaad jabinayso

Hawli kuu madhximaysee

Iga dayso hantaaqda!

Sidii guunyar gabdheedoo

Dhulkii guursi ka weyday

waan galliin tagyaa iyo

is guunguun badnidaa!

Horreeey!.

Ninka beerta qodayaa markuu qayrkii ama beeraleyda kale ee isaga la midka ah u faanayo, ee una sheeganaayo inuu yahay nin balo ka firxatay oo hawl kar..

Qalabka iyo Suuganta Qodaalka

Waxa hore u soo wada diyaariyey Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’  iyo Mohamoud H. Nugidoon. Waxa kula guusay ama gacan ka geystey Cali Cumar Xasan.

Leave a Reply