Dalka iyo Bulshadaba waxtarka ay u leedahay Cunida Cuntada Dalkeena Ka Soo Baxdaa

0
598

Qaybteena hore ee qormadeenan (BEERAHA IYO DEEGAANKA) ee wargeyska Dawan, waxaynu ku soo qaadan doonaanaa qormo ku saabsan Waxtarka Ay Bulshada Iyo Dalkaba U Leedahay Cunida Cuntada Dalka Ka Soo Baxda. Sida la ogyahay dhamaan wadamada wakhti
xaadirkan lagu sheego in ay horumar ka gaadheen dhinacyada,ganacsiga, caafimaad, biyaha iyo dhamaan arrimaha kala duwan ee bulshadu waxa hubaal ah oo aan cidna ka qarsoonayn in waxyaabaha guulahaas u hirgaliyay dadaalka ka dib markii ay xooga saareen tacabka waxsoo saarka beeraha.

Wadanada dunidu waxay isku qiimeeyaan kuna ka horumarsan yihiin sida ay ugu dadaalaan tacabka beerha, taasina waxay suuro galisaa in ay ka maarmaan dhaqaale badan oo dibada uga bixi lahaa kaas oo ay bulshada wadankaas ku nooli lacag adag ku bixin lahaayeen cuntada la quuto.

Tusaaale haan wadana hadda isku sheega in ay yihiin dunida kowaad waxa taariikhda lagu hayaa oo dhab ah in xiliyada qaar marayeen meel aad u liidata, laakiin markii ay xooga saareen horumartinta beerha waxay noqdeen quwado horumarka gaadhay dhinacyo kala duwa oo nolosha ah.

Hadii aynu soo qaadano badi wadamada lagu tilmaamo dunida sadexad sida Somliland iyo wadamo kale oo ku yaala qaaradaha Afrika iyo qaarado kaleba waxa la yidhaa waxaad tihiin wadamo sabool ah oo aan inta bdan is bixin Karin marka laga hadlaayo dhaqaalaha iyo cuntada.

Arrimahaasi waxay u muuqdaan kuwo been ah sababtoo ah wadamada ku yaala qaarada Afrika waa wadamo khayraadkii ilaahay ku manaystay uu yahay mid dihin ama aan cidi taaban. Markaas si looga jeediyo in ay la soo baxaan ayaa waxa loo sheegaa in ay yihiin sabool aan waxba qabsan Karin. Tusaale ahaa Somaliland waa wadan qani ku ah waxyaabo badan oo dabiici ah. Waa wadan leh khayraad aan la soo koobi Karin. Waa dan leh ciid nafaqo leh oo ku fiican wax beerashada, balse waxa aad moodaa in bulshadeenu aanay taas aad ugu baraarug sanayn ama aanay fahminba.

Inta badan bulshadeenu waxay cunaan oo ay qabatimaeen cuntooyin ka yimaada wadanad dibada kuwaas oo dalka iyo dadkaba ay kaga baxaan dhaqaale aad u badan oo aan qiyaas lahayn. Inkasta oo aan lahayn qiyaas sugan oo ku baxda cuntooyinka inooga yimaada wadanada dibada inooga yimaada hadana waxa hubaal ah in ay u badan yihiin bariis iyo baasto, kuwaas oo bilkasta ka soo dega dekadaheena iyagoo qiimahooduna uu marba marka ka dabnaysa uu sii kordhaayo. Nasiibaro cuntadii dalkeena ka baxaysay ee aan maraakiib soo qaada u baahnayna waxaad moodaa in aan cidiba dayn oo ay ku xumaadaan boholaha iyo godadka kayd ah ee lagu guro marka ay soo g’aan.

Waxa kale oo iyana jirta oo waxyaabah hoos u dhaca waxayn ku keenay cunadii wadaniga ahay ka mid in marka ay soo go’aan dalagyada beereheen ka baxaa ay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan mucaawinooyinka u ku soo beegto xiligaas taasina ay waxay saamayn aad u wayn ku leedhay tacabka beerahooda iyo waxa ay beertaan.

Ugu dambayn waxa loo baahan yahay in beeraleydu waa in ay bulshada u beerto cunto ku filan, bulshaduna waa in ay cunaa cuntada wadaniga.

Leave a Reply