Shirkadda Adeega Interntka Dunida

0
627

Shirkadda Google waa shirkad Maraykan ah oo la sameeyay dabayaaqadii sanadkii 1998.  Shirkadan ayaa maamusha 65% baadhista Internetka. Waxa kale oo ay ku shaqaysataa xayaysiiska, softaware , kiraynta edega websaytyada, raadinta iyo baahinta wararka iwm.

Waxaana shirkadan sameeyay labada nine e lagu magacaabo Larry Page iyo Sergey Brin oo ahaa laba arday oo Yahuud, wax ku bartay dalka Maraykanka gaar ahaan Jaamacadda Stanford.

Sanadkii 1999 ayay asaasaha shirkadda Google soo bandhigay inuu shirkada ku iibanayo lacag dhan hal milyan oo doller  oo keliya, laakiin wakhtigaasi inkasta oo aad loo xaysiiyay meel kastana lagu soo bandhigay iibkeeda haddana nasiib daro lagama iibsan.

Sanadkii 2014 , oo muddo 7 sano ahi ay ka soo wareegtay shirakdda saamigeeda ayaa gaadhay 104 Bilyan oo doller, tirade shaqaalaha ka shaqo galay ayaa iyaguna noqday 57 kun xubnood.  Qiimaha shay kastaa waa dadaalka la geliyay.

Leave a Reply