Hawlagalada Cajiibka Ah Maxaabiistu Kaga Baxsato Jeelasha!

0
659

Nin lagu magacaabo Mr.Punamin  oo u dhashay dalka Hindiya ayaa la xidhay, ka dib markii lagu qabtay ganacsiga mukhaadraadka. Maxbuuskan oo xadhig dheer loo qoondeeyay ayaa ka baxsaday jeelka ka dib markii uu sameeyay khiyaamo xirfaydaysan.    Maalin kasta waxa saaxiibadii u keeni jireen raashin dhadhankiisu sareeyo oo kala duwan aadna loo xiisaynayo marka qofku cuno.  Ilaalada jeelka ayuu baratay cuntada macaan ee maxbuuska loo keeno waana ay sugi jkireen maalin kasta inta loo keenayo.

Maalin danbe ayuu ugu soo daray mukhaadaraad taasi oo ahayd ujeedadii uu ka lahaa , markii ay cuneen dhamaantood waxay noqdeen kuwo sakhraamay oo qaarood isla goobtii ayay ku luloodeen kuna gam’een.  Mr. Punamin ayaa maalintiaasi ka baxsaday jeelka isla markaan dalka Hinidiya iskaga baxay iyadoo aan marna danbe loo soo qaban.

Sanadkii 2007 jeel isna ku yaalla dalka Maraykanka waxa ka baxsaday nin lagu magacaabi jiray Modie ka dib markii uu siiyay ciidanka 50 kun doller kuwaasi oo u fududeeyay inuu baxsado, ilaa maanta lama garanayo meel uu joogo. Waxaana ninkaasi lagu eedeeyay kuna xidhna inuu geystay dil u badheedh ah.

Dhinaca Dalka Ruushkan Jeel weyn oo ku yaal  waxa ka baxsaday Frank Abagna waxaana u fudeedyay inuu baxsado saaxiibadiisa la xidhna oo askarta ilaalada ku qanciyay inuu yahay nin basas oo dawladu soo diratay oo doonaya inuu ogaado sida askartu ula dhaqanto maxaabiista, isla markaana uu yahay baadhe qarsoon. Iyadoo taasina ay ahayd dhaqamada dawladaha shuuciyadda. Wuxu soo samaystay  waraaqo muujinaya inuu yahay baadhe qarsoon oo been ah, kuwaasi oo saaxiibada la xidhina ciidanka ilaalada u sheegeen inay ka soo xadeen Arrimahaasi aya ciidanka cabsi geliyay  waxaana ay go’aansadeen inay is dhaafiyaan oo iska dii daayaan si ay uga nabad galaan sharkiisa qarsoon iyo denbiyada uu ku shiqroolayo ilaalada.

 

 

Leave a Reply