“Doodaha sinnaantiyo
Dimuqraadinimadiyo
Daacadaan ku dhaabtay
Deebaanka noloshiyo
Diiwaanka nabaddiyo
Duuggaan ku dhaabtay
Dil-dillaaca waagiyo
Dabka iyo cadceeddiyo
Dayaxaan ku dhaabtay
Qalinkiyo dawaaddiyo
Dugsiyada aqoontiyo
Dawankaan ku dhaabtay
Dalawada la maaliyo
Daableyda gudintiyo
Doobigaan ku dhaabtay” (Daalalley Hadraawi 1988ki)i
Habka Dowladnimo ee wakhtigan maanta la joogo dunida ugu casrisan ee xukuumaduhu ku dhaqmaan waa (democracy) waxa lid ku ah oo ka soo horjeedda habka loo yaqaan (Autocracy) oo ah kali talisnimo. Haddii aynu qeexno erayga Dimoqraadiyad waxa uu ka yimi eray Giriig ahaa asalkiisi hore “Demo iyo Cratic” oo ah xukunka dadka macnihiisu waa “hab dowladnimo oo dadku soo doortaan cidda sharci ahaan hogaaminaysa”
Haddaba demoqradiyaddu waxay leedahay dhinacyo badan oo laga eego,ma waafaqsana meelo badan diimaha,gaar ahaan diinta muqadaska ah ee islaamka iyo diimaha kale ee samaawiga loo yaqaan waana arrintii keentay qolyaha masiixiga ahi inay kala saaraan diinta iyo xukunka.
Tusaale ahaan dimoqraadiyaddu ma taqaanno maxaa sax ah maxaase khaldan ee waxay sax u taqaannaa wixii hal dheeri loogu codeeyo 51% taas oo ka hor imanaysa diinta islaamka ee suubban waayo waxa uu ilahay yidhi ayaa ka wayn waxa ay dadku maslaxad u arkaan.
Si kasta ha ahaato e waxay dimoqradiyaddu leedahay dhinacyo faa’iido leh iyo dhinacyo aan faa’iido lahayn oo qofka iyo buls hadaba u keeni kara dhib,tusaale ahaan qofku waxa ay u fasaxay saa dimoqradiyaddu inta laga gaadhayo xad ay cid kale leedahay hase ahaatee qofku inta xadkiisa ah sida uu rabo ayuu yeeli karaa xatta waxa uu dooran karaa inuu naftiisa halligo,arrintaas diinta islaamku ma ogola waana lagu naar gelayaa;-
DHINACA WANAAGSAN EE DEMOQRADIYADDA
1-Waxay dadka siisaa fursad uu wax ku dooran karo laguna dooran karo.
2-Waxay dhiirri gelisaa in dadku sinnaadaan hab macquul ah
3-Dimoqradiyaddu waxay yaraysaa in xuurto dhaqaalaha lagu qabsado oo waxay dhiirri gelisaa Tartan.
4-Waddamada Dimoqradiga ah dhaqaalohoodu wuu ka kori ogyahay ku aan dimoqradiga ahayn.
5-Waddamada Dimoqradiga ahi way ka fur furanyihiin waana lala macaamili karaa marka loo eego kuwa aan ahayn dimoqra diga sida Hantiwadaagga oo kale.
6-Dimoqradiyaddu waxay ilaalisaa in awooddu aanay ku urursanaan meel keliya waxanay leedahay maamul daadejin.
8-Waddamada Dimoqradiga ah inta badan waxay ka nabad galaan dagaal sokeeye iyo qalalase dhexdiisa ah.
9-Dimoqradiyadda xukunka waxa loola kala wareegaa si fudud halka waddamada kale ay halis keeni karto markaas waxa la yidhaa way ka degantahay.
10-Dimoqradiyaddu waxay yaraysaa xag jirnimada waxayna dhiirri gelisaa dhex dhexaadnimo.
DHINACA XUN EE DEMOQRADIYADDA
Dadka aqoonta dimoqradiyadda ku xeel dheer waxay tilmaam een in kastoo dhinacyo badan oo faa’iido ah ay leedahay inay jiraan dhinacyo badan oo faa’iido darro ah ama madow ah waxa ka mid ah;-
- Waxa dhacda in dadku ay u codeeyaan cid aanay aqoon u lahayn ama anay darsin madaxweyne Roosevelt ayaa yidhi Codku waa xabad Rasaas ah oo haddii qofka ridayaa aanu garanayn dhibaato ayay keenaysaa.
- Dhismaha guud ee Dimoqradiyaddu waxay ku xidhantay “simple majority” waxa loo eegayaa keebaa cod badan ee looma eegayon kee ayaa wanaagsan.
- Dimoqradiyaddu waxay sababi kartaa in dadka buuqa badan guulaystaan.
- Waxa dhacda qiimaha dimoqradiyadda in aanay dad badani aqoonsanaynba taasina dhib ayay keeni kartaa.
- Dimoqradiyadda fulinta xukunkeedu muddo ayuu jiitama oo dadka ayaa la fahamsiiyaa,halka uu xukunka aan dimoqraadiga ahayn waxa uu soo saaraa wareegto ama amar.
- Dimoqradiyadda waxay tix gelisaa qofka quruxda iyo maalka leh,ee dan kama laha qofka dadnimadiisa.
- Waxa halis ka timaaddaa in dad gaar ahi ay danhooda ka fushadaan ama ay timaaddo dabaqaad bulsho oo kala sarreya.
- Dimoqradiyaddu waxay ballan qaaddaa ballamo aanay fulinayn waxay siyaasiyiintu ku ololeeyaan inay “ dheri kasta hilib digaag ka buuxin doonan”waa halka ay somaliduna ka yidhahdaan “ Badda ayaan macanayn ayuu yidhi” hadhowna marka uu siyaasigu kursiga fuulo waxa ay noqotaa waxba kama jiraan oo qofka siyaasiga ah Dantiisa ayuu raacaa.
- Dimoqradiyadda waxa ay keentaa wada shaqayn la’aan mararka qaarkood oo xisbiayada mucaaridku way ka horyimaadaan tallaabo ay is tidhi xukuumaddu hore u qaad haba ahaato tallabo Horumar ah.
- Waxay keentaa dimoqradiyaddu waxyaabo bulsho ahan iyo diin ahaanba xun in loo codeeyo sida dhaqamada cusub oo qaarkood aad u liitaan.
Haddaba guud ahaan waxan ku soo xidhayaa,ha lagu eego wax kastaba indheer garadnimo.aqoonta wixii wanaagsan waa la kala qaadan karaa oo gaal iyo muslim ma kala laha wixi xunna waa la iska reebayaa.
Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR
063-4101213