Xigmadaha Ku Duugan Dhacdooyinka Maalinlaha

0
2170

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Marka loo kuurgalo dhacdooyinka maalinlaha ah ee bulshooyinka ka dhex-dhaca, qaarkood waxa ku jira arrimo macno badan xambaarsan oo wax laga dheefi karo. Dhawr dhacdo oo xigmadaysan ayaan halkan idinkula wadaagi doonaa, waaba intaasi oo aad wax ka korodhsataane.

= Nin ayaa bukooday, markaasuu dhakhtar u tegay si loo baadho waxa haya. Dhakhtarkii ayaa u soo qoray dawo sharoobo ah oo xumada ka jebisa, waxaanu ku yidhi ha cabbin ilaa aad ruxdo sharoobada. Isaga oo ay xumad darani hayso ayuu gurigiisii ku soo noqday, markaasuu markiiba cabbay dawadii isaga oo aan ruxin. Ka dib waxa guriga ugu soo galay nin ay saaxiib yihiin isaga oo boodboodaya. Markuu su’aalay wuxuu la boodboodayo. Wuxuu ugu jawaabay” sharoobo uu dhakhtar igu yidhi ha cabin adiga oo aan ruxin ayaa cabay, markaasan calooshada dhexdeeda ku ruxayaa”. Xigmada ku jirtaa waxa weeyi, garaadka kala garan waayey quraarad la ruxayo inay la mid tahay caloosha oo la ruxo.

= Nin ayuu tuug ka xaday Tilifoonkiisii wakhti habeenimo ah, markii uu gurgiisii tegay ayuu la kulmay xaaskiisii oo shandadeedii xidhxidhanaysa. Markaasuu su’aalay halkay tegayso?, waxa ay ugu jawaabtay” sowdigii text message ii soo diray ee I furay waxa aan tegayaa gurigii hooyaday”. Ninkii wuu yaabay, markaasuu Tilifoonkiisii tuugu ka xaday garaacay, waana ka qabtay tuugii. Markaasuu ku yidhi” waaryaa tuugyahow haddii aad Tilifoonkii iga xaday, maxaad xaaskayga message ugu soo qortay ee aad ugu tidhi waan ku furay”?.

Tuugii ayaa ugu jawaabay” waar xaaskaagu way I dhibtay oo 30 jeer ayey I soo garaacday, waxaanay igala dhamaan wayday: halkeed joogtaa?, goormaad imanaysaa?, yaad la joogtaa?, tilifoonka iga qabo dee, markaad soo dhawdahay hudheelka casho iiga soo iibi. markaan madax xannuun ka qaaday, ayaan is idhi u naxariiso ninkan oo waxa oo dhan ma xamili karayeen, ka fur naagta sidaasi ayaa uga dhib yare”. Haddaba waxa aan kugula talin lahaa ha ka noqon furitaanka gabadha, dhibtuha ku dhaaftee. Xigmada halkan ku jirtaa waxa weeyi, dumarka hinaasaha badan ee ragooda raad guraa inay dhacdadan oo kale qabsan karto.

= Iyada oo gudaha ugu jirta maktabada buugaagta iibisa oo aabaheed ag-taagan yahay, ayuu daf u soo yidhi wiil ay guur ku heshiiyeen. Ka dibna waxa ay markiiba si sarbeeb ah ugu tidhi “ ma waxaad doonaysaa buugga magaciisu yahay aabo ma joogaa guriga ee uu qoray Shakespeare”, iyada oo u caddaynaysa in ninkan agtaagani aabaheed yahay. Wiilkii ayaa fahmay oo ugu jawaabay” maya, waxa aan doonayey buugga magaciisu yahay’ xagee habboon in aan kugu arko, ee uu qoray qoraaga caanka ah ee reer Ingiriis ee Thomes”. Inantii ayaa ugu jawaabtay, “ma yaallo buugaasi, laakiin waxa aanu haynaa buugga la yidhaa” geedka cambaha hoostiisa ee uu qoray qoraaga Oliver ee Maraykanka u dhashay”, iyada oo u caddaynaysa goobta kulankooda. Dabcan odaygii ayaa lagu dul shaxayaa isaga oo soo taagan. Dhacdadan waxa ay muujinaysaa siday dhallinyarta dambe isu afgarato, khaasatan markay waalidiintu joogaan.

= Nin waayeel ah ayaa go’aansaday inuu wiilkiisa baro casharro nolosha ku saabsan  oo uu isagu soo maray. Isaga iyo wiilkiisii ayaa suuqa u soo kaxaystay dameerkoodii iyada oo ay labaduba saaran yihiin dameerka. Ka dib dadkii ayaa yidhi waa maxay kuwan bilaa naxariista ah ee dameerka wada saarani?. Odaygii ayaa ka degay, oo wiilkiisii ku yidhi adigu fuushanow. Haddana waxa ay yidhaaheen muxuu ahaa wiilkan aan odayga u naxariisanayni?. Haddana wiilkiisii ayuu ku yidhi adigu fuul. Markaasay yidhaaheen waa maxay wiilkan odayga dhibayaa ee isaga oo xoog ah dameerka fuushani?. Odaygii ayaa haddana yidhi labadeenuba ma fuulayno, markaasay dadkii yidhaaheen, waa maxay labadan qof ee iyada oo cadceedu kulashahay dameerka wataa, maxay u fuuli waayeen?.

Halkaasi markii ay marayso ayuu odaygii wiilkiisii ku yidhi” weligaa ha isku dayin inaad dadka oo dhan wada raalli geliso, laakiin wixii aad wanaag u aragto ku dhaqaaq, mar kasta waayi maysid dhaliil iyo in wax lagaa sheego. Kuwa dhaliisha sameeyaa, waxa ay ogaadaan in arrintu sax ahayd wakhti dambe. Haddaad ku mashquusho inaad dadka wada raalli geliso waad fashilmaysaa.” Nuxurka dhacdadan waa arrin uu odaygu hore u sii ogaa inay dhacayso, oo waayo-araganimo ayuu ku khasbaday isagu, hasayeeshee wuxuu dhadhansiinayey wiilkiisa inuu soo taabto siday bulshooyinku u fikiraan. Dhammaan dhacdooyinkani waxa ay qayb ka yihiin buugga Wehelka dunida ee uu so ururiyey Xamse Cabdilaahi Axmed.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan 

Calicoomay@gmail.com

Leave a Reply