Khubarro Australia U Dhalatay Oo Soo Saaray Fikir Muraayaddaha Guryaha Loogu Bedelaayo Solar.

0
554

Khubarro u dhalatay wadanka  Australia , kana tirsan jaamacadda Australia University of Monash ayaa soo bandhigay daakhado kuwa guryaha ah oo ay ikhtiraaceen, kuwaas oo ka samaysan muraayaddaha Solar-ta cadceeda tamarta ka dhalisa ,taas oo ay dadku si fudud uga heli karaan laydh bilaash ah.

“ waqti hore oo fogaa , waxaanu ku riyoonaynay in aanu helo  daakhado muraayado ah oo laga dhalin karo dab, iyada oo loo isticmaalaayo Solar ahaan , waxaanay u muuqataa in ay waqtigan dhabowday”. Ayuu yidhi Jacek Yasyanak oo ah madaxa kuuliyadda Sayniska ee jaamacadda Monash University.

Warbixin uu Mr Jacek  ku qoray wargeyska Nano Energy oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayuu ku  sheegay  in fikirkan ah in laydh laga dhaliyo daakhadaha guryaha oo laga sameeyey muraayadaha Solar-tu aanay ahayn kuwo cusub, laakiin isku dayo hore lagu guuldaraystay , iyada oo ay guul darada keentay qalabka loo xushay in loo isticmaalo oo aan ahayn kii saxda ahaa , laakiin waqtigan waxa u tilmaamay in ay adeegsadeen qalab ku haboon.

Daakhadahan ayaa soo gudbinaaya 10 ilaa 30 % falaadhaha cad ceeda oo ay kaydsadeen, kuwaas oo loo isticmaali karo laydhka qolalka iyo guriga dhexdiisa lagu isticmaalo, iyada oo lagu xidhaayo Baytari loogu talo galay , waxaanu khabiirkani tilmaamay in 2 meter square oo muraayad ahi ay awood u lee dahay in ay guriga oo dhan layd ku filan siiso .

Meelaha ugu wanaagsan ee loo isticmaali karo ikhtiraacan ayuu khabiirkani ku sheegay in ay yihiin dhismeyaasha dhaadheer, kuwaas oo ay falaadhaha cad ceedu si fudud usoo gaadhi karaan, isla markaana qiime jaban ku heli kara marka la dhisaayo muraayadahan oo lagu magacaabo Energy Windows.

 

 

Leave a Reply