Khubarrada Ruushka Oo Ikhtiraacay Maado Si Fudud Hawada Uga Saari Karta Fayraska Koronaha .

0
711

Khubarro ka tirsan khubarrada Kimistariyga ee dalka Ruushka, gaar ahaana jaamacadda Missis University of Technology Research  oo ku taala Magaaladda Moscow ayaa soo saaray maado si fudud hawada loogaga nadiifin karo Fayraska Korona Fayras .

Maadadan ayaa khubarradani ka samaysay macdanta loo yaqaano Copper-ta, taas oo loo sameeyey hab qiiq oo kale ah , waxaana lagu shubay haamo yar yar oo loogu talo galay in loo adeegsado marka lagu buufinaayo guryaha iyo meelaha la doonaayo in Fayraska laga nadiifiiyo.

Khubarradan oo qoraal kooban ku daabacay wakaaladda wararka ee Tass oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in cilmibaadhis ay in muddo ah wadeen  ku ogaadeen in macdanta Copper ay ka awood badan tahay Fayraska iyo Bakteeriyadaba, sidaas darteedna ay u sameeyeen qiiqan ka samaysan macdanta Copper.

Saynisyahano iyaguna ka tirsan jaamacadda South Gompton University ayaa sheegay in ay iyaguna hore u ogaadeen in macdanta Copper-tu ay ka awood badan tahay Fayraska Corona, isla markaana ay si fudud hawada uga saari karto.

Qiiqan lagula dagaalamaayo Fayraskan adduunka faraha baas ku haya ee ay sameeyeen khubarrada Ruushku ayaa ah mid lagu daray macdantan laga sameeyey ee Koborta waxyaalo Alkahool ah, gaar ahaana Ethyl Alcohol Chloride oo iyada lafteedu ka kooban waxyaalo kala duwan.

Waxay tilmaameen khubarradani in Copper Hydroxide  loo adeegsan karo fayraskan si looga takhaluso, laakiin maadadan ayay ku tilmaameen mid waxyeelo weyn soo gaadhsiin karta unugyadda Bani aadamka oo ay khatar ku tahay , waxaanay sababi kartaa Elerjiga jidhka.

 

Leave a Reply