Odayaal iyo Waxgarad taageero u muujiyey Maamulka iyo Taliska Booliska Gobolka Saraar

0
518

Qore. Saleeban Kalshaale
Caynabo(Dawan)-Odayaal, Cuqaal, waxgarad maalintii maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar, ayaa waxqabad iyo xil-kasnimo ku amaanay maamulka Gobolka iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolkaasi oo sheegeen in ay wax badan ka qabteen nabad-gelyada iyo horumarka Gobolka.
Xubno kamida Odayaasha iyo Cuqaasha oo daba socda Dad warbaahinta eeddeymo uga jeediyey maamulka iyo Hay’addaha nabad-gelyada ee Gobolka, ayaa sheegay in ay dad ujeedooyin gaar ah wataa ka dambeeyeen arrintaasi,waxaanay intaasi raaciyeen in aanay ahayn eeddeyn lagu metelo bulshada Gobolka oo dhan.
“waxaanu halkan ka caddeynaynaa in Badhasaabka iyo Taliyaha qaybtu yihiin masuuliyiin buuxda , in ay si mug leh uga qabteen gobolka waxqabad”ayuu yidhi mid kamida Odayaasha Deegaanka Caynabo oo la hadlay Warbaahintu.
Waxa ay intaasi ku dareen “waxa tusaale aynu ugu soo qaadanaynaa waxa gobolka dhibaato ku haysay Dhuxulaysiga, waxa gobolka ugu dambeysay shidistii dhuxusha maalintuu yimi badhasaabku, si buuxda ayeyna wax uga qabteen oo waa u dhul-jiifeeyeen, waa u dhaxeen”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Odayaasha hadlay waxa ay sheegeen in xagga nabad-gelyada ay masuuliyiintu wax ka qabteen hubkii sharci-darada ahaa ee ay dadweynuhu siteen, sida Qoryaha iyo walxaha kale ee dilaaga ah, kaasoo ay sheegeen in laga suuliyey guud ahaan deegaamada Gobolka oo dhan.
“Konton sannadood ayaan joogay gobolka, madaxdii intaan joogay soo martay waxa ugu wax qabad badnaa Badhasaabka iminka joogga iyo taliye qaybeedka, waxaan leeyahay labadaa nin waa laba nin oo ay shaqadoodu wanaagsan tahay oo ka soo baxay”ayuu raaciyey Oday Cumar Xasan oo kamida Waayeelka gobolka Saraar oo isna halkaasi ka hadlay.
Gobolka Saraar, ayaa soohdin la wadaaga Gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer, waxaana sanadihii la soo dhaafay uu mar ahaa meelaha ay falalka nabad-gelyo darro ka dhici jireen, hase yeeshee waxa xusid mudan in mudaddii ay xukuumadda madaxweyne Biixi talada haysay ay joogsadeen shaqaaqooyinkii ka dhici jiray.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply