Caafimaadka Iyo Nadaafadda Guriga!

0
529

Cilmibaadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhalatay wadanka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in guri walba ay ku nool yihiin ilaa 100 xayawaan oo yar yar, kuwaas oo kala duwan.

Cilmibaadhayaashan mudadii ay ku guda jireen daraasadan waxay baadhitaano ku sameeyeen guryo gaadhaaya ilaa 50 guri, oo la degen yahay. Waxaana arrintaasi ka caawiyey maamulka magaalada Rowley City oo ka mid ah gobolka Caroline ee wadanka Maraykanka.

 

Khubaradan ayaa tiro ahaan u qaatay inay heli karaan cayayaan gaadhaya ilaa 579 , waxaanay khubaradani heleen noolayaal gaadhaaya ilaa 304 noocyo kala duwan, kuwaas oo gurigiiba ay ku nool yihiin ilaa 100 nooc.

Noolaha ay khubaradani heleen ayay ku jireen caarooyin, dib qaloocyo,  iyo noole kala duwan oo guryaha ku caan ah, kuwaas oo ay ku jiraan qudhaanjo.

Noolayaashan ayay khubaradu sheegeen inay qaarkood dhibaato ku keenaan caafimaadka dadka, halka kuwo kalena ay xambaaraan waxyaalo Infection ah oo isla xanuuno uun keena, kuwaas oo ay ka mid yihiin duqsiga iyo Baran baradu.

Leave a Reply