Miyey Fadhiisteen Mashiinadii Kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

0
486

Wasaaradda Caafimaadk Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beenisay in ay fadhiisteen mashiinada lagu sifeeyo kelyaha xilliga ay shaqada joojiyaan kuwaasi oo laga imaan jiray qaar ka mid dalalka jaarka .

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somalilland , Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Meesha ka saaray warar sheegayey in ay fadhiisteen mashiinada lagu sifeeyo kelyaha,

 

 

“Mashiinada kelyaha lagu sifeeya way inoo shaqaynayaan ee soo eega oo tagga waata bukaanka loogu shaqaynaayo markaa mashiinadu madaama ay inoo shaqaynayaa oo dadkii u sifaynayaan ilaa dhawr iyo toban mashiin , mashiinka fadhiista waynu hagaajinaynaa laakiin mashiinadu dhammaan way inoo shaqaynayaan ‘ ayuu yidhi

 

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye waxa kale oo uu sheegay in Cisbitaalka guud ee Hargeysa ay yaalan mashiinada kelyaha lagu sifeeyo qaar cusub oo lagu talo galay in ay shaqada bilaabaan haddii ay xumaadan kuwa hadda shaqada bukaanada u haya.

 

Leave a Reply