Wakhtiga Shaqada iyo Sida Loo Fahmo!

0
502

Dalka Spein Darwalkii tareen ayuu gurigiisa iska tegay ka dib markii uu waday safar qaatay 300 Rakaabka ayaa muddo dheer sugayay darwalka una haystay inuu imanayo , iyadoo markii 9:00 habeenimo gaadhay shirkadu u keentay gaadiid kale oo halkaasi ka qaada oo gaadhsiiya caasimadda Madrid oo ah halka ay u socdeen 2:30 habeenimo.

Afhayeen u hadlay ururka darwaliinta Tareenada ayaa sheegay in darawalku shirkadda ogaysiiyay in saacidihii shaqadiisa ay ku dhawdahay  dhamaad isla markaana aanu doonayn inuu saacado dheeraad ah sii sheqeeyo oo ay dhib ku tahay, laakiin aanay shirkaddu si dhakhso ah uga jawaabin arinkaasi oo iaydu ay khaladkaasi gashay.

Shirkaadda Renfe oo shirkadda Tareenada ayaa iyaduna dhinaceeda ka cudur daaratay oo raali gelin siisay Rakaabka iyadoo isla markaana dhamaantood u celisay noolkooda oo dhamaystiraninkasta oo ay goobohoodii gaadhsiisay

Leave a Reply