Xikmadaha

0
728

Aamuska waa xikmada waana jawaabta u wanaagsan

Si aad u noqoto xirfad yaqaan loo baahan yahay waa inaad ku dadaasho aqoon aanay dadku fahmin, si aad u noqoto indheer garadna waa inaad samaysaa hadaf aanu qofna kula arkayn oo kuu muuqda adiga oo keliya.  Waxa ugu muhiimsan ee aabuhu caruutiisa u qaban karaa waa isagoo jeclaada hooyadood.

Nin ayaa  isna maalin u yimi Sheekh Xasan Al-Basri oo ahaa taabici ka danbeeyay saxaabadii Rasuulka (scw) , waxaana uu waydiiyay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo ugu lahayn ? Sheekh Xasan Al-Basri ayaa ugu jawaabay:-
1- Waxaan Ogaaday Risiqayga in Cidna aanay qaadaan karin, ka dibna Qalbigaa ii Degay
2- Waxaan Ogaaday Camalkeyga inaan qof kale ii Samaynayn (Salada, Soonka iwm), Markaasi ayaan ku Mashquulay.
3- Waxaan Ogaaday in Allaah (sw) i Arkaayo, sidaasi darteed waxaan ka xishooday inuu Macsi igu Arko.
4- Waxaan Ogaaday in Geeri i Sugeyso, waxaanan isku hawlay  sida aan Sahay ugu Diyaarsan lahaa la Kulanka Rabbi.

Leave a Reply