Ilmadii Haro Biyoodka Noqotay

0
635

Haro biyood ku taalla dalka Swisterland ayaa ah mid aad u yaab badan. Haradan oo dhacda tuulada Mitholz oo 211 km u jirta Jinefa ayaa lagu magacaaba harada ilmada. Haradan waxa ka dhex dhisan sanam taallo ah oo lagu metelyo gabadh.

Arintan ayay loola jeeda in lagu xuso oohintii gabadh uu ninkeedu dhintay oo aadna u jeclayd kuwaasi oo ahaa qoys wanaagsan oo degenaa goobtan sanamka laga taagay.  Waxaana ay aaminsan  yihiin in roobkii iyo oohintii gabadha oo isku darsmay ay ka samaysantay haradani.

Harada waxa sanad kasta usoo dalxiis taga boqolaal qof oo dunida ka yimaada. Waxaana la sheegay in haradan biyaheedu ay  yihiin kuwo xagga dhadhanka la mid ah ilmada taasina ay tahay sababta loogu bixiyay haradii ka abuurantay oohinta gabadha.  Dad kale oo badan oo dalkaasi ayaa aamisan inay harada iska samaysan tay sida harooyinka kale, sheekadana ay ahay mid khuraafaad ah oo dadka loogu xiiso gelinayo haradan iyo daawashadeeda.

 

 

Leave a Reply