Weerarka Dhanka Afka ee u dhaxeeya Turkiga iyo UAE oo sii xoogeystey

0
539

Wasaaradda Arimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku eedeysey Imaaraadka carabta in siyaasadda ay ka wadaan Waqooyiga Afrika iyo Bariga dhexe ay tahay burburin, waxaana ay Imaaraadka ka codsadeen in ka tanaasulaan siyaasadda colaadinta ku dhisan.

Warka ka soo baxay Turkiga ayaa daba socda, war kale oo Imaaraadka carabtu ka soo saareen xaaladda dalka Libya, Imaaraadka carabta ayaa sheegay in Turkigu farogelin xooggan ku hayo xaaladda dalka Libya.

Imaaraadka carabta ayaa taageera Col. Khalifa Haftar oo ku kacsan Dowladda Qaramada Midoobey aqoonsan tahay ee dalka Liibiya.

Afhayenka Wasaaradda Arimaha Dibada Turkiga Hami Aksoy ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay Imaaraadka ay yihiin isku dayo ay ku qarinayso siyaasadooda “laba wajiilaha ah” wuxuuna sheegay in UAE uu siinayo caawinaad “fallaagada” Libya.

Aksoy wuxuu kaloo xusey in bulshada caalamku ay ka ogtahay howlaha Imaaraadka ee carqaladeeya nabadda, amniga iyo xasilloonida Libya, Yemen, Siiriya iyo geeska Afrika.

Leave a Reply