Tartanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo dib u bilaabmi doona

0
483

London-  Kooxaha Premier League-ga ayaa shir ay shalay ku yeesheen internet-ka oo maqal iyo muuqaal ahaa waxay kaga wadahadleen qaabka loo soo gabagabeyn lahaa xilli ciyaareedka 2019/2020 ee haatan socday.

Waxyaabaha laga wada hadley ayaa waxaa ka mid ah in kulamada dhiman lagu qabto garoomo dhexdhexaad ah intii taageerayaashu tagi lahaayeen hadba garoon.

Qorshaha waxaa ka mid ah in ilaa 10 garoon lagu qabto horyaalka marka dib loo bilaabo ayaa lagu yidhi warar ka soo baxay kulankaasi.

Premier League-ga ayaa sidoo kale u baahan doona illaa iyo 40 kun oo qalabka baadhitaanada si ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha loogu sameeyo baadhitaan haddii ay noqoto si loo dhamaystiro 92 ciyaarood ee dhiman, kuwaasi oo lagu ciyaari doono garoomo albaabadu u xidhan yihiin oo aan loo ogoleyn taageerayaasha.

 

Leave a Reply