Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex oo 21 Eedeysane iyo 9 Baabuur Xukuntay

0
728

Hargeysa (Dawan) Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa 21 eedeysane ku xukuntay, saddex sano iyo lix bilood oo xadhiga, saddex milyan oo ganaax maaliyaddeed ah.

Waxaa qaabkii uu xukunkani u dhacay warbaahinta la waddaagay garsooraha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdisalaan Sheekh Xasan Axmed waxaanu yidhi “Maxkamadda markii la horkeenay si furan ayaa loo dhageystay maxkamadduna dacwadii ayay dhageysatay eedi ayaa loo akhriyay, 11-ka mid ahi qiraal ayay maxkamadda ka hor sameeyeen sida waafaqsan qodobka 108 ee xeerka ciqaabta guud, waxaanay yidhaaheen waanu badheedhnay amar diidadaasi.

Tobanka kale ee aan qirana maxkamaddu si xora ayay u weydiisay inay may keenin maxkamada wax eedo loo heysto ay iskaga dul qaadan oo iskaga difaacaan, sidaasi darteed maxkamaddu nimanka waxaa ay u aqoonsatay danbiilayaal, si waafaqsan shuruucda iyada oo xeerarka dalka loo marayo, nimankaasi waxaa ay noqdeen danbiilayaal waxaanay wadddanka soo geliyeen badeecad la mabnuucay oo la joojiyay”

Dhanka kale ku xigeenka xeer ilaalayaha guud Cabdifataax Yuusuf Cabdi ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday dhammaan 21-ka eedeysane ee maxkamadda la horkeenay “Maanta oo taariikhdu tahay 3/5/2020 waxaa maxkamadda la horkeenay 21 eedeysane, kuwaasi oo lagu soo qabtay in qaad ka ganacsanayeen oo ay, eedeysanayaashu waxaa ay wateen sagaal gaadhi waxaanay kuwadeen qaad iyo sifo sharccidaro ah dalka ku soo galiyey, si furan ayaa loo dhageystay, intaasi kadibna maxkamaddu waxaa ay soo saartay go’aan waxaanay dhammaantood noqdeen wada danbiilayaal, marka laga reebo hal eedeysane, kaasi maxkamadu xoriyadiisa u celisay oo wax danbiya lagu waayay.

21-ka waxaa ku jiray gaadhi dawladeed oo uu waday dirawal qayral masuula oo hantidii dawlada ku takrifalay, ciqaabteediina waa uu muteystay oo waxaa lagu xukumay dhammaantood saddex sano iyo lix bilood iyo saddex malyan oo ganaax maaliyadeeda gaadhiga GT-ga ah waxaa uu ku soo qaaday ninkaasi dirawalka ahi qaad ayuu ku soo qaaday, waxaana lagu qabtay kaantaroolka, waxaana lagu wareejiyay dawladii dirawalkuse waxaa uu isticmaalayay sifo sharciga baalmarsan”

Leave a Reply