Gabadha La Iibinyay Oo La Badbaadiyay

0
589

Haweeney u dhalatay dalka Nigeria oo  ku noolayd dalka Labnaan ayaa la soo bandhigay in la iibinayo iyadoo xayaysiiskana lagu baahiyay Facebook.  Gabadhan oo da’deeda 30 sano lagu sheegay ayaa booliiska dalkaasi badbaadiyeen iyagoo soo xidhay ninkii looga shakisanaa inuu iibanyo gabadhaasi oo la sheegay inay u shaqaynaysa.

Guddoomiyaha guddiga dadka reer Nigeriya ee qurbaha ku nool, Abike Dabiri-Erewa ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneyda 30 jirka ahi ay wakhtigan nabad ku jirto iyadoo ku sugan safaaradda Nigeria ee Beirut.

Mrs Dabiri-Erewa wax faahfaahin ah kama bixinin sida haweeneydaasi loo soo badbaadiyey laakiin waxa u sheegay in xannibaadda ay ku soo rogeen masuuliyiinta Lubnaan  la dagaalaanka cudurka faafa ee coronavirus-ka ay ka caawisay raadinta gabadhan.

Ninka loo tuhmay ayaa ku soo bandhigay in qiimaha uu ku iibinayo gabadhan ay tahay $ 1000.

Sawirka iyo  baasaboorka  gabdhan ayaa la soo raaciyay xayaysiiska taasi oo dhalisay cadho xoogan oo lagu baahiyay warbaahinta bulshada. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumanaan haween ah oo ka kala socda Nigeria iyo dalal kale oo Afrikaan ah laga ganacsadaa sanad kasta. Waxaana marka hore lagu soo kexeeya balanqaadyo been abuur ah kuwaasi oo ka dhaca Yurub iyo Aasiya . Waxaana dumarkaasi marka danbe loo adeegsda hab adoonimo ah yagoo guryaha qaarkood lagaga shaqaysto, halka kuwo kalena loo  adeegsadao ganacsiga jidhkooda.

Leave a Reply